Somali Public Agenda
October 2, 2024
Commentary
Somali Public Agenda
October 2, 2024
8-dii Ogosto 2024, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Hindise-sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, wuxuuna waafaqsan yahay wax-ka-beddelka lagu sameeyey cutubka afaraad ee dastuurka kumeelgaarka ah – gaar ahaan qodobada 52-aad, 53-aad, iyo 54-aad – kuwaasoo ka hadlaya arrimaha la xiriira doorashooyinka. Baarlamaanka ayaa akhrin doono lana filayaa inuu ansixiyo hindise-sharciyeedkan kadib marka uu ku sameeyo saddex akhrin. Waa mid ka mid ah saddexda hindise-sharciyeed ee la xiriira doorashooyinka. Waxaa kaloo hindise-sharciyeedyada kamid ah Hindise-sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha & HIndise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan uu golaha wasiirradu ansixiyey. Saddexda hindise-sharciyeed ayaa udub-dhexaad u ah istaraatiijiyadda dowladda federaalka ee ku aaddan sidii doorashooyin qof iyo cod ah loo gaarsiin lahaa saddexda heer ee dowladeed. Haddii hindise-sharciyeedkan uu ansixiyo baarlamaanka uuna saxiixo madaxweynaha, wuxuu beddeli doonaa Xeerka Xisbiyada Siyaasadda Lr. 19 ee 27ka ee Juun 2016.
Hindise-sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda waxa uu ka kooban yahay afar cutub iyo 36 qodob. Cutubka koowaad wuxuu ka kooban yahay lix qodob oo ay ku jiraan qodobo ka hadlaya arrimo guud, sida baaxadda hindise-sharciyeedka iyo qeexitaanno. Cutubka labaad ayaa ugu ballaaran waxa uuna ka kooban yahay shan iyo toban (15) qodob wuxuuna ka hadlayaa diiwaangelinta ururrada iyo xisbiyada siyaasadda. Cutubka saddexaad wuxuu ka kooban yahay 8 qodob oo ka hadlaya nidaamka maaliyadda ururrada iyo xisbiyada siyaasadda. Ugu dambeyntii, cutubka afaraad wuxuu ka kooban yahay 7 qodob, wuxuuna ka hadlayaa arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan xallinta khilaafaadka u dhexeeya ururrada iyo xisbiyada siyaasadda iyo go’aan-ka-gaarista arrimaha maamul, xeer-hoosaadyada, iyo habraacyada.
Falanqeyn qodobbada ugu muhiimsan hindise-sharciyeedka
Farqiga u dhexeeya ururrada siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda: Ugu horreyn, hindise-sharciyeedkan ayaa ka duwan xeerka xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira (No. 19) oo la ansixiyey 27 Juun 2016, waxa uuna si toos ah u qeexayaa ururrada siyaasadda. Waxa uu muujinayaa kala duwanaansho u dhexeysa ururrada siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda taasoo aan ka muuqan xeerka hadda oo kaliya kala soocay diiwaangelinta kumeelgaarka ah iyo tan rasmiga ah ee xisbiyada siyaasadda.
Cutubka koowaad [Qodobka 3-aad (1&2)] waxa uu xisbi siyaasadeed ku qeexayaa inuu yahay urur siyaasadeed ka qayb qaatay doorashooyinka golaha deegaanka. Waxa loo aqoonsan yahay in uu yahay mid kamid ah saddexda xisbi ee u tartami kara doorashooyinka heer qaran iyo heer dowlad-goboleed iyadoo loo eegayo saamiga codadka ay heleen. Dhanka kale, waxaa hindise-sharciyeedkan ku qeexan in urur siyaasadeed uu yahay muwaadiniin isu yimid ama isugu biiray ujeeddo nabadeed iyo barnaamij siyaasadeed oo ay u abaabuleen si dimuqraadi ah, iyadoo la raacayo dastuur iyo xeerar u dejisan oo hagaya howlahooda. Waa la diiwaangelin karaa iyadoo sharcigan la raacayo – marka hindise-sharciyeedkan uu ka gudbo labada aqal ee baarlamaanka, madaxweynuhuna ansixiyo – si uu ugu tartamo ururka doorashooyinka golaha deegaanka. Kala duwanaanshahani waa mid muhiim ah si looga fogaado jahwareerka ka dhalan kara adeegsiga labada eray ee urur iyo xisbi siyaasadeed.
Xuquuqda ka-qeybgalka siyaasadda: Qodobka 4-aad ee hindise-sharciyeedka ayaa qeexaya xuquuqda ka-qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo qodobka 21-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay. Muwaadin kasta oo ka weyn 18 sano wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo ama xubin ka noqdo urur siyaasadeed ama xisbi siyaasadeed. Sikastaba ha ahaatee, qodobkan wuxuu ka reebayaa ka-qeybgalka siyaasadda dad gaar ah, oo ay ku jiraan xubnaha ciidanka qalabka sida, xubnaha hay’adaha garsoorka, diblomaasiyiinta, shaqaalaha safaaradaha, iyo shaqaalaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo dowladaha hoose, kuwaas oo aan kamid noqon karin urur ama xisbi siyaasadeed. Intaa waxaa dheer, qodobka 4-aad [2 (a & b)] wuxuu kooxahan ka mamnuucayaa in ay ka qayb qaataan ololayaasha siyaasadeed ee ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ama inay soo bandhigaan aragtiyo siyaasadeed oo muujinaya eex ama taageero gaar ah oo loo hayo urur ama xisbi siyaasadeed gaar ah. Sababta kooxahan looga xaddidayo xuquuqda ka-qeybgalka siyaasadda ayaa u badan inay tahay in la ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo xirfadda shaqsiyaadkan ka shaqeeya u adeegga dadweynaha iyo in laga hortago shaki kasta oo laga qabi karo inay taageeraan koox siyaasadeed marka ay adeegyada bixinayaan.
Qaab-dhismeedka ururrada siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda: Qodobka 9-aad ee hindise-sharciyeedka waxa uu qeexayaa qaab-dhismeedka ururrada ama xisbiyada siyaasadeed. Wuxuu tilmaamayaa in urur ama xisbi siyaasadeed kasta uu lahaado: a) gole xisbi, b) guddi dhexe, c) guddi fulineed, d) xafiisyo ururka ama xisbiga siyaasadeed, iyo e) garabyo kala duwan oo taageerayaal ah sida lagu xusay dastuurkooda iyo hindise-sharciyeedka. Sidoo kale waxaa laga doonayaa ururrada iyo xisbiyada inay xafiisyo ku yeeshaan ugu yaraan afar dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir. Mid kasta oo ka mid ah xafiisyadan waa inuu lahaadaa ugu yaraan 2,000 oo xubnood; taas oo macnaheedu yahay in urur ama xisbi kasta oo siyaasadeed laga rabo in uu lahaado ugu yaraan 10,000 oo xubin oo ku kala sugan ugu yaraan afar dowlad-goboleed iyo Banaadir. Sidoo kale, golaha ururka ama xisbiga siyaasadeed waa inuu lahaadaa ugu yaraan 1,000 ergo oo ka socota laan waliba. Waxaa kale oo lagu qeexay in urur ama xisbi kasta uu hubiyo in metelaadda iyo awood qaybsiga qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay dheelitiran yihiin oo ay haweenka ka mid yihiin xubnaha iyo xilalka rasmiga ah. Sikastaba ha ahaatee, qoondada 30% ee haweenka si gaar ah looma xusin, iyo weliba hannaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5. Sidaas darteed, hindise-sharciyeedka si dadban ayuu u dalbanayaa in ururrada siyaasadeed ee mustaqbalka ay metelaad ku yeeshaan haweenka iyo beelaha kala duwan.
Shuruudaha diiwaangelinta iyo khidmadaha: Qodobka tobanaad wuxuu xusayaa siddeed (8) shuruudood oo isdiwaangelin. Mid kamid ah shuruudaha waa bixinta khidmadda diiwaangelinta oo dhan USD 100,000. Khidmaddan waxay si muuqata meesha uga saaraysaa muwaadiniin badan, marka laga reebo kuwa hodanka ah, inay sameystaan xisbi siyaasadeed waxaana lagu doodi karaa in ay xaddideyso xuquuqda muwaadiniinta ee ka qeybgalka siyaasadda, taasoo si cad loogu qeexay Qodobka 21-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay iyo Qodobka 4-aad ee hindise-sharciyeedkan.
U gudbidda heer xisbi siyaasadeed: Qodobka 20-aad wuxuu dhigaya labo shuruudood oo looga gudbayo urur siyaasadeed looguna gudbayo xisbi siyaasadeed. Ugu horreyn, ururrada siyaasadeed ee si rasmi ah loo diiwaangeliyey waa inay ku tartamaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ugu yaraan labo-meelood meel (2/3) dhammaan degmooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan. Urur siyaasadeed kasta oo aan buuxin shuruuddan koowaad wuxuu waayi doonaa xuquuq uu ugu tartamo doorashooyinka goleyaasha deegaanka, wuxuuna Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ka saari doonaa diiwaanka ururrada siyaasadeed. Tan labaad, saddexda urur siyaasadeed ee hela codadka ugu badan ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka waxay noqon doonaan saddexda xisbi siyaasadeed ee ku tartami doona doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.
Qodobka 21-aad wuxuu si cad u sheegaya in Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha uu korjoogteyn doono Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda marka ay qorsheynayaan iyo marka ay hirgelinayaan caawinaad farsamo kasta oo ay ka helayaan hay’ado shisheeye. Sidoo kale, urur kasta ama xisbi kasta waxaa laga mamnuucay inuu caawinaad farsamo oo toos ah ama mid aan toos ahayn ka helo shisheeye iyadoo aan la haysan oggolaanshaha Guddiga Doorashooyinka. Ugu dambeyntii, caawinaadda farsamo ee uu urur ama xisbi siyaasadeed ka heli karo ilo shisheeye kuma jiraan hantida maguurtada ah, nooc walba oo ay tahay.
Maalgelinta ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed: Cutubka saddexaad wuxuu diiradda saarayaa arrimaha maaliyadeed ee ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed. Qodobka 22-aad wuxuu aasaasayaa sanduuq loogu talagalay maalgelinta ururrada iyo xisbiyada siyaasadda. Qodobka 24-aad wuxuu qeexayaa afar il dhaqaale ee lacagta sanduuqan lagu shubayo. Waxay kala yihiin:
Sikastaba ha ahaatee, waxaa adkaan doonta in dhammaan ilahan dhaqaale si fudud looga helo lacagahan sababo la xiriira caqabadaha maaliyadeed ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada wajahayaan. Qodobka 25-aad wuxuu qeexayaa in 90% ilaha sanduuqa loo qoondeeyo howlaha xisbiyada siyaasadeed, halka 10% ee soo harayna loo asteeyo kharashka maamulka ee sanduuqa. Intaa waxaa dheer, lacagaha ay xisbiyada siyaasadeed ka helaan sanduuqan waxay u dhigmi doonaan tirada kuraasta ay ku leeyihiin labada aqal ee baarlamaanka federaalka.
Qodobka 25-aad wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in xisbiyada iyo ururrada ay 30% lacagaha sanduuqa uga yimaada ku bixin doonaan kharashaadka maamulka xisbiyada. Halka 70% kalena loo isticmaali doono howlo kala duwan oo waafaqsan xeer-hoosaadyo ka dhalan doono hindise-sharciyeedkan, ama waxay la kulmayaan ganaax dhan USD 25,000-30,000. Qodobka 26-aad wuxuu qeexayaa in xisbi uu heli karo ilo dhaqaale oo dheeraad ah oo ka yimaada xubinimada iyo deeqo aan shuruud ku xerneyn oo ka yimaada ilo sharciyeysan.
Qodobkan wuxuu waajibinayaa in xisbiyada siyaasadeed ay macluumaadka ku saabsan taageerada dhaqaale ama deeqaha ay helaan la wadaagaan guddiga doorashooyinka 14 maalmood gudahood oo ka billaabaneysa marka la helo. Intaa waxaa dheer, qodobku wuxuu mamnuucayaa in xisbiyada ay helaan kaalmo dhaqaale ama taageero ka timaada dalal shisheeye, shirkado ama ururro wax u dhibaya madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa mamnuuc ka ah ururrada ama xisbiyada siyaasadeed in ay qaataan deyn si ay ugu maalgeliyaan howlahooda. Qodobka 29-aad wuxuu sidoo kale sheegayaa in Xafiiska Hantidhawrka Guud, isaga oo si iskiis ah ama marka uu codsi uga yimaado Guddiga Doorashooyinka, uu baari karo xisaabaadka ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed dhammaadka sanad-maaliyadeedka.
Maqaamka xisbiyada siyaasadeed ee horey loo diiwaangeliyey: Ugu dambeyntii, hindise-sharciyeedku wuxuu ka hadlayaa maqaamka xisbiyada siyaasadeed ee helay diiwaangelin kumeelgaar ah ee uu bixisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka marka loo eego sharciga xisbiyada siyaasadda ee hadda jira. Qodobka 34-aad, oo ka hadlaya muddada kala guurka, wuxuu xisbiyada siyaasadeed ee haysta diiwaangelinta kumeelgaarka ah ka doonayaa inay buuxiyaan shuruudaha kor lagusoo xusay oo ay mar kale isdiiwaangeliyaan iyadoo la raacayo qodobada 10-aad iyo 11-aad ee sharcigan (marka uu baarlamaanku ansixiyo). Sidaas darteed, xisbi siyaasadeed kasta oo helay diiwaangelin kumeelgaar ah oo ku saleysan Xeerka Xisbiyada Siyaasadeed ee No. 19 ee 2016 oo aan buuxin shuruudaha hindise-sharciyeedkan waxaa loo aqoonsan doonaa mid aan jirin. Tani waxay ka dhigan tahay in ka badan 100 xisbi siyaasadeed ee uu GMDQ si kumeelgaar ah u diiwaangeliyay in aan loo aqoonsan doonin inay yihiin ururro siyaasadeed ama xisbiyo siyaasadeed maadaama aysan buuxin shuruudaha cusub ee hindise-sharciyeedka cusub ee ururrada iyo xisbiyada siyaasadda.
Farqiga u dhexeeya hindise-sharciyeedkan iyo sharciga xisbiyada siyaasadda
Waxaa jira kala duwanaansho yar oo u dhexeeya Hindise-sharciyeedka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee cusub iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee No. 19 ee 2016. Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ku kala duwan yihiin waa habka iyo shuruudaha diiwaangelinta. Sharicga Xisbiyada Siyaasadeed wuxuu ururrada siyaasadeed ka doonayey inay isku diiwaangeliyaan inay noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo joogto ah iyagoo labo marxalad maraya: marxalad diiwaangelin kumeelgaar ah iyo marxalad diiwaangelin rasmi ah.
Shuruudaha diiwaangelinta kumeelgaarka ah waxay ahaayeen kuwo fudud, waxayna u baahnaayeen tillaabooyin kooban, oo ay kamid yihiin soo gudbinta qoraalka natiijada kasoo baxday kulanka ugu horreeya ee xisbiga yeeshay, magaca buuxa ee xisbiga iyo kan loosoo gaabiyo, iyo dastuurka xisbiga. Sidoo kale, waxay u baahnaayeen xisbiyada in ay bixiyaan khidmad diiwaangelin oo dhan USD 500. Sikastaba ha ahaatee, diiwaangelinta joogtada ah waxay lahayd shuruudo adag oo ay kamid ahayd in xisbiyada ay yeeshaan xafiisyo ku yaalla ugu yaraan kala bar gobolladii jiray kahor 1991-kii, taasoo macnaheedu yahay inay xafiisyo ka furtaan 9 gobol oo ka mid ah 18-kii gobol ee jirey kahor 1991. Sidoo kale waxaa loo baahnaa in xisbiyadu yeeshaan 10,000 oo cod-bixiyeyaal diiwaangashan si ay u noqdaan xisbi rasmi ah, taasoo adkeyd maadaama macnaheedu ahaa in xisbiyada si rasmi ah loo diiwaangelin karo keliya marka diiwaangelinta codbixiyeyaasha la dhammeeyo. Sidoo kale, xisbi kasta oo cusub waxaa looga baahnaa inuu bixiyo USD 1,000 oo khidmadda diiwaangelinta rasmiga ah.
Dhanka kale, hindise-sharciyeedka cusub wuxuu dalbanayaa in ururrada iyo xisbiyada siyaasadda sameysmi doona ay xafiisyo ka furtaan ugu yaraan afar dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir, iyadoo xafiis kasta looga baahan yahay inuu lahaado ugu yaraan 2,000 oo xubnood. Shuruuddan waxay noqon kartaa mid aad u adag maadaama ay dalbanayso in taageerada codbixiyeyaasha ay baahsan tahay juquraafi ahaan. Sikastaba ha ahaatee, hindise-sharciyeedku ma xusin in xubnahaas ay tahay inay noqdaan cod-bixiyeyaal diiwaangashan. Waxay sidoo kale aan caddeyn sida loo xaqiijinayo liisaska xubnaha xisbiyada. Farqiga kale ee muhiimka ah waa khidmadda diiwaangelinta oo gaareysa USD 100,000.
Intaa waxaa dheer, xeerka cusub wuxuu kordhinayaa qoondada Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee sanduuqa xisbiyada siyaasadda. Xeerka No. 19 ee hadda jira wuxuu waajibinayey in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay bixiyaan 0.3% miisaaniyadahooda sanadlaha ah oo loogu talagalay sanduuqa. Dhanka kale, hindise-sharciyeedka cusub wuxuu waajibinayaa in dowladda federaalka ay ku shubto sanduuqa 1% miisaaniyaddeeda sanadlaha ah sidoo kale dowlad-goboleedyadu ay bixiyaan 0.5% miisaaniyadooda sanadlaha ah.
Saameynta Hindise-sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda
Waxaa jira dhowr saameyn oo uu leeyahay hindise-sharciyeedka cusub ee Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda (sida uu hadda u qoran yahay). Ugu horreyn, khidmadda diiwaangelinta ee xad-dhaafka ah ee gaareysa USD 100,000 oo laga qaadaayo ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ee cusub sida ku cad hindise-sharciyeedkan ayaa ah caqabad xaddideysa muwaadiniinta doonaya inay sameeyaan ururro siyaasadeed oo ka qeyb qaata nidaam dimuqraadiyadeed. Khidmadaha diiwaangelinta caadi ahaan waxaa laga dhigaa mid fudud halka ay noqon lahayd farsamo looga hortago in xisbiyada siyaasadeed ay bataan. Waxaa jira habab kale oo waxtar leh oo la adeegsan karo si looga hortago in xisbiyada siyaasadeed ay bataan. Arrimahaas waxaa kamid noqon kara shuruudo ay ka mid yihiin helitaanka boqolley cayiman (threshold) in uu xisbiga ka helo wareegga koowaad ee doorashooyinka (doorashooyinka goleyaasha deegaanka) si loogu aqoonsado xisbi siyaasadeed qaran.
Midda labaad, shuruudda diiwaangelinta ee ah in ururrada siyaasadeed iyo xisbiyada mustaqbalka ay furaan xafiisyo ku yaalla afar dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir waxay ka dhigan tahay in beelaha waaweyn ay u badan tahay in ay awood ku yeeshaan nidaamka saddexda xisbi ee ka dhalanaya hindise-sharciyeedka. Tusaale ahaan, siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Hawiye ayay u badan tahay inay ka faa’iidaystaan shuruuddan maadaama ay ku badan yihiin labo dowlad-goboleed (Galmudug iyo Hirshabeelle) iyo gobolka Benaadir. Waxay u baahan doonaan in ay isbaheysi la sameeyaan siyaasiyiinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ama Puntland. Dhanka kale, siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Daarood ayaa noqonaya kooxda labaad ee ugu weyn ee sameyn karta xisbi siyaasadeed, maadaama ay jiraan labo dowlad-goboleed (Puntland & Jubaland) ee uu qabiilku ku badan yahay (inkastoo ay muhiim tahay in la ogaado in Puntland ay hadda ka maqan tahay geeddi-socodka doorashada khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo Puntland awgiis). Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Daarood waxay u badan tahay inay raadiyaan isbaheysiyo kale oo ay la sameeyaan beelaha kale ee waaweyn, sida beesha Hawiye ama Koonfur-Galbeed (oo ay ku badan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle) si ay u sameeyaan xisbi siyaasadeed.
Natiijo ahaan, xisbiyada soo bixi doona waxa ay u badan tahay inay hoggaamiyaan siyaasiyiinta Daarood iyo Hawiye oo ah beelaha leh metelaadda juquraafi ee ugu ballaaran Soomaaliya. Xaqiiqdii, tani waa sii socoshada hardanka taariikhiga ah ee labadaas beelood ee hoggaanka siyaasadeed ee dalka. Waxay isku beddelayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inta badan muddadii ka dambeysay markii uu dalka madaxbannaanida qaatay, marka laga reebo markii uu Maxamed Ibraahim Cigaal noqday ra’iisul wasaaraha dalka intii u dhexeysay 1967 iyo 1969.
Midda saddexaad, inkastoo ay wali u baahan tahay in si cad loogu xuso hindise-sharciyeedkan, saddexda xisbi siyaasadeed ee qaran ee kasoo baxaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka waxay maamuli doonaan saaxadda siyaasadda, taasoo yareynaysa saaxadda siyaasadda ee ay kula tartami karaan siyaasiyiin kale oo leh ajendayaal iyo siyaasado kale.
Xalka
Maadaama hindise-sharciyeedka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda lagu wado in loo gudbiyo baarlamaanka si looga dodo kadibna loo ansixiyo, xubnaha labada aqal ee baarlamaanka waa inay ku dadaalaan in la dhimo khidmadda diiwaangelinta ee USD 100,000 ah ee Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda laguna soo celiyo lacag macquul ah oo aan xadideyn xuquuqda muwaadiniinta ee ka qeybgalka siyaasadda.
Sidoo kale, xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka waa inay caddeeyaan sida muwaadiniinta ku biiraya ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed loo xaqiijin doono. Xeerka xisbiyada siyaasadda ee No. 19 ee 2016 wuxuu qeexayaa in xubnaha xisbiyada ay noqon doonaan codbixiyayaal diiwaangashan.
Sidoo kale, hindise-sharciyeedka ururrada iyo sixbiyada siyaasadda ma caddeynayo in xisbiyada qaran ee ka soo gudba doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay sidooda ahaanayaan ama in la sameyn doono tartan cusub muddo cayiman kadib. Labada aqal ee baarlamaanka waa inay arrintan ka fiirsadaan oo ay caddeeyaan muddada ay saddexdan xisbi ahaanayaan xisbiyada qaran (waxaa lagu jaangoyn karaa 10/15 sano iyadoo loo eegayo muddo-xileedka hay’adaha lasoo doorto ee saddexda heer ee dowladda).
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!