Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2020 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Commentary
Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2020 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Maalintii ugu dambeysay bishii Diseember 2019, kulan wadajir ah oo ay wada yeesheen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2020. Waa markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay ee uu Aqalka Sare ka qeyb qaato ansixinta miisaaniyadda qaranka. Halkudhigga miisaaniyadda sanadkan waa ‘xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo amniga’.

Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2020 waa $476 malyan, taasoo ka dhigan $132 malyan (38 boqolkiiba) in lagu kordhiyay miisaaniyadii sanadkii hore oo ahayd $344 malyan. Tani waa koror kale oo xoogan oo ku yimid miisaaniyad sanadeedka marka la barbar dhigo $70 malyan (25 boqolkiiba) oo ku korortay miisaaniyad sanadeedkii 2018 oo ahayd $274 malyan.

Dakhliga gudaha ee la filayo inuu gaadho $234.4 malyan ayaa inta badan la filayaa in uu ka yimaado cashuurta dakhliga, macaashka, faa’iidada raasamaalka, badeecadaha iyo adeegyada, iyo ganacsiga iyo macaamillada caalamiga ah. Dakhliga gudaha ee la filayo waxa uu $44.5 malyan (23 boqolkiiba) ka sarreeya $189.9 malyan ee sanadkii 2019, oo lafteedu $17.4 malyan oo kaliya ka sarreysay $172.5 malya- tii sanadkii 2018.

Isugeyn $231.8 malyan oo dakhli ka imaanaya deeq-bixiyeyaasha – oo isugu jirto taageero miisaaniyadeed ($109.5 malyan) iyo taageero mashruuc ($122.3 malyan) – ayaa la filayaa in lagu dhameystiro dakhliga gudaha. Tani waa koror $77.5 malyan (50 boqolkiiba) ah oo ku yimid lacagaha taageerada ee deeq-bixiyeyaasha oo sanadkii 2019 ahayd $154.3 malyan. In kastoo miisaaniyaddii guud ay korortay, haddana inta ay dawladdu bixineyso ayaa keliya $2.6 malyan ka sarreysa tan deeq-bixiyeyaasha. Inkastoo halkudhigga dowladdu sanadkan yahay ‘xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo amniga’, miisaaniyadda la ansixiyay waxa ay muujineyso ku tiirsanaanta taageerada maaliyadeed ee wadamada kale iyo ururada caalamiga ah. Si kastaba ha noqotee, kororka lacagta deeq-bixiyeyaasha ayaa ah calaamad muujinaysa in deeq-bixiyeyaashu ay si tartiib-tartiib ah u bilaabanayaan inay adeegsadaan nidaamyada dalka (country system) iyo in dawladdu lagu aaminay maareynta ku dhawaad $80 malyan dheeraad ah oo ay deeq-bixiyeyaashu bixinayaan.

Lacag gaareysa $155.3 malyan (33 boqolkiiba) ee miisaaniyadda 2020-ka ayaa loo qoondeeyay mushaarka shaqaalaha. Qayb kale oo muhiim ah oo kamid ah miisaaniyadda ($146.8 malyan ama 31 boqolkiiba) ayaa loo qoondeeyay hay’adaha difaaca iyo amniga, taasoo $36 malyan (32 boqolkiiba) ka badan miisaaniyaddii sanadkii hore loo qoondeeyay oo ahayd $110.8 malyan. Lacag dhan $106.4 malyan (22 boqolkiiba) ayaa loogu talagay horumarinta dhaqaalaha ($41.9 malyan) iyo adeegyada bulshada ($64.5 malyan). Tani waa koror balaaran oo laba jibbaar ka badan miisaaniyaddii sanadeedkii 2019 oo $50.8 malyan loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Maalgelinta hay’adaha difaaca iyo amniga

Guud ahaan miisaaniyadda loo qoondeeyay amniga waa $146.8 malyan: $83.9 malyan waxa loo qoondeeyay difaaca halka $62.9 malyan loo qoondeeyay hay’adaha amniga. Miisaaniyadda difaaca waxa ku kordhay $17.5 malyan (26 boqolkiiba); waxa uu ahaa $66.4 malyan sanadkii 2019. Sidoo kale $18.5 malyan (42 boqolkiiba) ayaa ku korortay miisaaniyadda amniga oo sanadkii 2019 ahayd $44.4 malyan. Kororka miisaaniyadda amniga iyo difaaca waxa qeyb ahaan ka muuqato $70 oo lagu kordhiyey mushaarka ciidamada qalabka sida oo ahayd $130 lagana dhigay $200.

Miisaaniyadda difaaca oo gaareysa $83.9 malyan, $1.2 malyan kamid ah waxaa loo qoondeeyay Wasaaradda Difaaca. Tan ayaa kadhigan in $1.4 malyan laga dhimay miisaaniyadda Wasaaradda oo gaareysay $2.6 malyan sanadkii 2019. Miisaaniyadda ugu badan ee difaaca ($81.1 malyan) waxay aadeysaa Ciidamada Qalabka Sida; sanadkii 2019, ciidamada qalabka sida waxay lahaayeen miisaaniyad dhan $62.2 malyan. Maxkmadda Ciidamada waxaa loo qoondeeyay $1.5 malyan, oo la mid ah miisaaniyadda sanadkii 2019. Agoonta ciidamada qalabka sida iyo ciidamada naafada ah waxaa loo qoondeeyay $115, 000, oo lamid ah miisaaniyaddii loo qoondeeyay sanadkii 2019.

Miisaaniyadda $62.9 malyan ee amniga, Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa laga dhimay miisaaniyadda, laakiin si aan lamid aheyn tan Wasaaradda Difaaca: $1.8 malyan miisaaniyaddeeda ayaa aadeysa Wasaaradda, oo $174, 780 ka hooseysa miisaaniyadda sanadkii hore oo $2 malyan ahayd. Ciidamada Amniga Qaranka oo ay ku jiraan booliska iyo sirdoonka waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan $14.5 malyan. $4.6 malyan oo kale ayaa sidoo kale ku aadeysa Waaxda Socdaalka.

Waxaa dhiirigelin leh in in kabadan 30 boqolkiiba miisaaniyada 2020 loo qoondeeyay amniga. Amni-darrada ayaa weli ah mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, weli ma cadda sida kororka miisaaniyadda difaaca iyo amniga ay gacan uga geysan doonto amniga guud ee dalka

Mudnaan-siinta adeegyada bulshada

Miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2020 ayaa u qoondaysay $64.5 malyan (ku dhawaad 14 boqolkiiba) adeegyada bulshada. Tani waa horumar la taaban karo oo ay tahay in la bogaadiyo. Waxay ka badan tahay labalaab ($38.1 malyan oo kordhay) miisaaniyaddii sanadkii hore oo $26.4 malyan loo qoondeeysay dhammaan wasaaradaha adeegyada bulshada.

Inta badan lacagta ka kordhiyey waxay aadeysaa waxbarashada, oo loo qoondeeyay $21 malyan (marka la barbar dhigo $16 malyan oo sanadkii 2019 loo qoondeeyay iyo $8 malyan oo sanadkii 2018 loo qoondeeyay). Miisaaniyadda waxbarashada, oo muujineysa kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera waxbarashada oo taageeradooda maaliyadeed soo marsiinaya nidaamka dalka (country system), waxaa wadaagaya Wasaaradda Waxbarshada Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ($15.1 malyan), Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ($4.9 malyan), Akademiyada Sayniska iyo Fanka Soomaaliyeed ($646, 271) ) iyo Akadeemiyada Afka Soomaaliga ($328, 060). Miisaaniyadda Wasaaradda ayaa si weyn kor ugu kacday, iyadoo ka soo korartay $4.5 malyan sanadkii 2018 iyo $10.4 malyan sanadkii 2019 islamarkaana gaartay $15.1 malyan sanadka 2020. Tani waa tilmaan wanaagsan oo muujineysa in xukuumadda talada heysa ay si joogto ah mudnaanta u siineysay wxbarashada. Qayb kamid ah qoondadan ayaa lagu bixin doonaa 24 dugsiyo dowladeed oo ku yaal Muqdisho oo ay maamusho Wasaaraddu.

Caafimaadka ayaa ka helaya $9.4 malyan miisaaniyad sanadeedka 2020; taasoo ah koror ku yimid qoondada caafimaadka ee sanadkii 2019 oo ahayd $7.3 malyan iyo 2018 oo ahayd $4.4 malyan. Tani waa koror fiican oo dhanka caafimaadka ah, balse waxaa la dhowrayaa sida kororka miisaaniyadda ku yimid uu sare ugu qaadi doono helitaanka iyo tayada daryeelka caafimaadka ay bulshadu ka hesho isbitaallada dowladda. Inkastoo ay dowladdu la wareegtay maareynta tiro cusbitaalo dowladeed oo ku yaal Muqdisho, helitaanka adeegyada caafimaadka ee degdegga ah waa ku yar yihiin Soomaaliya, muwaadiniintana – oo ay ku jiraan kuwa ku nool Muqdisho – waxa ay si weyn ugu tiirsan yihiin cusbitaalada gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa kusoo aadeysa miisaaniyad dhan $32.5 malyan sanadkan 2020. Wasaaradda waxay heshay $1.5 malyan sanadkii 2019 oo keliya iyo $1.4 malyan sanadkii 2018. Kordhintan ayaa ka tarjumaya taageerada mashruuc ee deeq-bixiyeyaasha. Wasaaradaha kale ee adeegga bulshada ayaa helaya lacag yar. Miisaaniyadda loogu talagalay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ($1 malyan), oo ay kujirto Hay’adda Naafada Soomaaliyeed, iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ($625, 396) waxay muujineysaa in wasaaradaha dhalinyarada iyo haweenka ay wali yihiin kuwo aan la maalgelinin.

$64.5 malyan oo loogu talo galay adeegyada bulshada xaqiiqdii kuma filna inay buuxiso baahiyaha badan ee loo qabo adeegyo bulsho oo tayo leh lana awoodi karo, kuwaasoo ahaa mid aan jirin ama si liidata loo qabanaayay soddonkii sano ee lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waa koror aad u wanaagsan oo muhiim ah marka la barbar dhigo sanadkii 2019. In miisaaniyaddii adeegyada bulshada oo ahayd $8.3 malyan (2017) keliya ay noqotay $64.5 malyan (2020) muddo saddex sano gudahood ah waa mid yadadiilo fiican ka muujineysa mustaqbalka Soomaaliya ee gaarsiinta adeegyada bulshada.

Kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga

Miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2020 ayaa u qoondaysay $41.9 malyan (ku dhawaad 9 boqolkiiba) hay’adaha horumarinta dhaqaalaha. Tani waxay ka dhigan tahay koror weyn oo ku yimid miisaaniyaddii sanadkii hore oo gaareysay $24.4 malyan iyo $20.3 malyan ee sanadkii 2018

Ku dhawaad $6 malyan waxaa loo qoondeeyay Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ($3.4 malyan, oo ay miisaaniyaddeedu ahayd $1.3 malyan sanadkii 2019); Beeraha ($1.5 malyan); iyo Xoolaha ($1 malyan). Miisaaniyad wax yar ka badan $2 malyan ayaa aadeysa hay’adaha badda oo dhan. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulistaha oo ay kujirto miisaaniyadda Hay’adda Duulista Rayidka ayaa si aad ah loo kordhiyay: waxa ay miisaaniyaddeedu ahayd $3.1 malyan sanadkii 2019 waxana la gaarsiiyay $14.2 malyan sanadka 2020. Waxaa jiray koror yar oo ku yimid Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta (oo ay kujirto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka) ($4.9 malyan) , Ganacsiga iyo Warshadaha ($2.2 malyan), Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ($4.1 malyan), iyo maamulka dekadaha ($2.3 malyan).

Inkastoo miisaaniyadda lagu kordhiyey $132 malyan sanadka 2020, dakhli soo xareynta gudaha ayaa wali hooseeya. Sidoo kale, hay’adaha muhiimka ah ee horumarinta dhaqaalaha sida xoolaha ayaa ah kuwo maalgelintoodu hooseyso. Maalgelinta hay’adaha dhaqaalaha waxay u abuuri doontaa fursado shaqo dadka badan ee shaqo la’aanta ah. Maalgelinta noocan oo kale ah waxay kordhinayaan dakhliga gudaha, maaddaama ay dowladdu awood u yeelan karto inay aruuriso canshuur noocyo kala duwan ah.

Mustaqbalka

Waxaa dhiirigelin leh in miisaaniyadda loo qoondeeyay amniga, adeegyada bulshada iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha ee 2020 ay si weyn u kordheen. Wadarta kororka miisaaniyadda 2020 ayaa iyaduna dhiirigelin leh. Siddeed sano gudahood, $362 malyan ayaa lagu kordhiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadlaha ah ($114 malyan sanadkii 2013; $118 malyan sanadkii 2014; $131 malyan sanadkii 2015; $171 malyan sanadkii 2016; $260 malyan sanadkii 2017; $274 malyan sanadka 2018; $344 malyan sanadka 2019; $476 malyan sanadkii 2020). Maadaama ay socdaan dadaallada deyn cafinta, filashada ayaa ah in miisaaniyad sanadeedka 2021 ay la kulmi doonto koror kale oo weyn.

Iyadoo ay taasi jirto, haddana miisaaniyaddii sanadkii 2018 weli lama xerin (miisaaniyadda 2019 iyadana wakhtiga xeritaankeeda waa 31 Maarso 2020), mana jirto xog caddeyneyso in miisaaniyadda loo isticmaalay sidii loo qorsheeyay. Sare-u-qaadista isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta waa in mudnaanta la siiyaa. Amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha waa waxyaabaha mudnaanta u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed. In la maalgeliyo waxa ay kordhineysaa kalsoonida bulshada iyo sharciyadda dowladda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *