Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda 

Commentary

Dabayaaqadii bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxa aan isku dubariday kulan ay soo qabanqaabisaygarabka doodaha SPA ee Public Agenda Forum, kaasoo ay isugu yimaadeen dad ay khuseyso mowduuca laga hadlayay oo ahaa caqabadaha ku xeeran helitaanka dukumentiyada aqoonsiga dowladeed ee Muqdishooo ay kamid yihiin baasaboorada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka cadeynta dembi-la’aanta. Waxa aan rabnay inaan abuurno gole looga doodo arrimahan loona helo xalal lagu hagaajin karo helitaanka adeegyadan dadweyne ee muhiimka ah. Dukumentiyadan ayaa ah kuwo ay bixiyaan hay’ado iyo waaxyo hoos yimaada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay bixiso Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan xafiisyada dowladda iyo hay’adaha ay khuseyso ayaan la xiriirnay si ay madasha ugasoo qeyb galaan, islamarkaana ay aqoontooda ugu biiriyaan mowduuca. Sikastaba ha ahaatee, dhammaan mas’uuliyiinta dowladdu waa ay ka cudur-daarteen ka qeybgalka madasha, iyaga oo sheegtay sababo kala duwan. Waxaa noo caddaatay in mas’uuliyiintaasi aysan doonayn in ay si furan ugala hadlaan mowduucankasoo qeybgalayaasha madasha aan ku casuunnay, oo u badnaa dhallinyaro. Sidoo kale, qaar kamid ah kaqeybgalayaashii madasha lagu casumay ayaa ka muujiyay layaab mowduuca madasha, iyaga oo su’aal geliyay in arrintani ay tahay mid si furan looga doodi karo. Intaas wixii ka dambeeyay, waxa aan ogaaday inaan ku howlannahay mawduuc aan si furan looga doodin.

Iyadoo aanu joogin wakiil ka socda hay’adaha dowladda ee ay khusayso arrintani, waxa aanu go’aansannay in aannu qabanno madasha. Inta badan ka qeybgalayaasha oo ahaa dhallinyaro, waxa ay horay dhibaatooyin kala kulmeen helaanka adeegyadan aasaasiga ah ee dowladda. Waxa ay dadka kale la wadaageendhacdooyinkii xanuunka badnaa ee ay kala kulmeen xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan,dhibaatooyinka jira ee u muuqday waxa ayna soo jeediyeen xalal macquul noqon kara si arrintan wax looga qabto.

Ugu horrayn, luminta diiwaannada ee xilliyadii dagaallada sokeeye iyo nidaamka xog-keydinta oo liita ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhibaatada ay muwaadiniintu kala kulmaan helitaanka waraaqaha aqoonsiga, sida baasaboorka. Inkastoo ay shardi tahay in mar kasta la keeno warqadda dhalashada iyo warqadda degenaanshaha ee Dowladda Hoose ee Muqdisho kahor inta aan la dalban baasaboorka—ha ahaato marka ugu horraysa ee la codsanayo ama marka la cusboonaysiinayo mid dhacay—mas’uuliyiinta Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee hoos taga Wasaaradda Amniga Gudaha waxa ayaqbalaan oo kaliya dukumentiyada asalka ah oo ma oggolaadaan isticmaalka nuqullo koobi ah.

Waxa la yaab leh, maadaama dukumentiyada asalka ah la qaatay, muwaadiniintu ujeeddo kale ma u isticmaali karaan nuqul kamid ah isla dukumeentigaas waana in ay dib ugu noqdaan xafiisyada dowladda, oo ay maraan dhammaan hababkii hore mar labaad si ay u codsadaan dukumeenti cusub. Inkastoo aanay dadweynuhu fahamsaneyn sababta ay xafiisyada dowladda ee bixiya waraaqaha dhalashada iyo baasaboorka aanay xogtooda u kaydin, haddana waxa ay u qaataan in maadaama waraaqaha asalka ah laga qaatay ay tahay in ay dib ugusoo laabtaan oo ay lacag bixiyaan marka ay mar labaad u baahdaan. Sidaas darteed, baahida joogtada ah ee dukumentiyadan awgeed, shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya hay’adahan waxa ay helaan habab ay lacag uga dhex abuurtaan nidaamkan, iyagoo ka faa’iideysanaya baahida dadka iyo sidoo kale nidaamyada jilicsan.

Midda labaad, xaaladda amniga Muqdisho ayaa loo arkay in ay tahay arrin kale oo hay’adahan dowliga ah ay ka faa’iideysteen. Ka qeybgalayaashu waxa ay dareensanaayeen in hay’aduhu ay marmarsiiyo ka dhiganayaan nabadgelyo-xumada si ay muwaadiniintu u maraan dhammaan hababkan qayb ahaan u muuqda in loogu talagalay in ay si maalinle ah dadka ugasoo xareeyaan lacag. Sikastaba ha ahaatee, habraacyadani waa ay yartahay in ay sameeyaan hubin ammaan oo dhab ah. Intaa waxaa dheer, waxa ay abuuraan caqabado cusub, iskaba daa in ay xalliyaan qaar kamid ah dhibaatooyinka hadda jira. Hay’adahan dowliga ah ma laha xafiisyada cabashada muwaadinka oo ay dadku kusoo gudbin karaan warbixino ka dhan ah dhibatooyinka ay geystaan shaqaalaha xafiisyada. Taa beddelkeeda, waxa ay magan u yihiin shaqaale aan hab-dhaqan wanaagsaneyn oo aanay jirin cid ay uga baqayaan dhaqan-xumada ay maalin walba sameeyaan.

Midda saddexaad, tayada shaqaalaha rayidka ah ee hay’adahan dowliga ah ayaa dhinaca kale la sheegaa inay hoosayso. Inta badan shaqaalahan waxaa lagu shaqaalaysiiyaa xiriiro qoys/qabiil iyo nin jeclaysi, waxaana la il-duufaa awooddooda, aqoontooda iyo xirfadooda marka la magacaabayo. Intaa waxaa dheer, inta badan hay’adahan dowladda ma laha habab isla xisaabtan ah oo lagula xisaabtamo dadka sameeya waxyaabaha aan wanaagsaneyn, halka taa beddelkeeda aan la siinin mushaar ku filan, taasoo dhiirigelisa dhammaan noocyada kala duwan ee musuqa maamul ee hay’adahaas.

Cawaaqibta arrintani waa kuwa daran. Dadku waa in ay safaf dhaadheer u galaan oo ay sugaan saacado badan si ay u helaan adeegyadan. Kuwo kale waa in ay bixiyaan laaluush ama ay isticmaalaan xiriiro si ay uga boodaan hababkan dhaadheer. Halka kuwa kalana ay seegaan fursado. Nolosha dadka qaar ayaa halis la geliyaa sababtoo ah waxa laga yaabaa in ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah oo dalka dibaddiisa ah waana in ay isla markiiba helaan dukumeentiyadooda.

Ka sokow ka hadalka sababaha keenay caqabadahan, waxaa gabagabadii madasha lagasoo jeediyay talooyin dhowr ah oo ku aaddan sidii caqabadahaas wax looga qaban lahaa, loona fududeyn lahaa hannaanka dheer ee laga baaqsan karo ee ay dadku u maraan si ay u helaan adeegyadan. Kasoo qeyb-galayaashu waxa ay qirsanaayeen in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay helaan dukumeentiyadan iyadoo aan la kumin wax caqabado.

  1. In dowladda federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay dib-u-habeyn ku sameeyaan shaqaalaha rayidka ah, lana xoojiyo tayada shaqaalaha, lana hirgeliyo hannaan shaqo oo hufan. Inta badan shaqaalaha rayidka ah ee hadda ka howlgala hay’adahan ayaa la sheegay in aysan lahayn xirfado iyo karti ay ku gudan karaan shaqooyinkan muhiimka ah uguna adeegi karaan shacabka. Waxaa lagu eedeeyay in ay ku milmeen siyaasadda oo ay dayaceen kaalintoodii ka shaqaale rayid ahaaneed. Shaqaale rayid ah oo karti leh ayaa la heli karaa iyadoo la marayo hannaan shaqaaleysiin cadaalad ku saleysan oo furan. Xirfadlayaal karti leh ayaa lagamamaarmaan u ah hay’adaha dowliga ah ee bixiya adeegyada muhiimka ah ee dowladda lana macaamila muwaadiniinta iyagoo ka wakiil ah dowladda.
  2. Waa in la sameeyaa habab isla xisaabtan, lagana hirgeliyo hay’adaha iyo xafiisyada dowladda. Hababka isla xisaabtanka marka lagasoo tago, mas’uuliyiinta hay’adahaas ka tirsan waa in ay si joogto ah ula socdaan oo ay u kuur-galaan habsami-u-socodka hawlaha, wacyi-gelinta shaqaalaha rayidka ahna waa in la joogteeyo, lana siiyo koorsooyin waxbarashada madaniga ah.
  3. Xoojinta doorka warbaahinta maxalliga ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa loo baahan yahay si ay waardiyeyaal uga noqdaan cadaalad-darrada shaqaalaha rayidka ah ay ku hayaan muwaadiniinta. Saxaafaddu waxa ay soo bandhigi kartaa musuqmaasuqa, nin jecleysiga, iyo maamul-xumada ka jirta hay’adahan dowladda, iyagoo sameynaysa baaritaano aan dhinacna u xaglineyn, islamarkaana ka hadlaan ayagoo raacaya baaritaannadaas.
  4. Dowladda federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir waa in ay cusboonaysiiyaan sharciyada iyo siyaasadaha jira ee ku saabsan helitaanka dukumentiyada aqoonsiga. Inta badan sharciyada iyo siyaasadaha jira waa kuwo duugoobay, waxayna u baahan yihiin in dib-u-eegis iyo dib-u-cusbooneysiin lagu sameeyo si ay ula jaan qaadaan xaqiiqada jirta. Tani waxa ay la xiriirtaa kororka tirada badan ee dadweynaha iyo horumarka tignoolajiyada tan iyo markii sharciyadan la sameeyay qarnigii 20aad.
  5. Dowladda federaalku waa in ay cusboonaysiisaa nidaamkeeda oo ay u isticmaashaa Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo waaxda dad-dhigista ee Maamulka Gobolka Banaadir xafiisyo ilaaliya diiwaanka muwaadiniinta. Habka uruurinta dukumeentiga asalka ah iyadoo aan la kaydin xogta ku qoran iyo weydiinta muwaadiniinta in ay mar kale dib usoo bilaabaan nidaamka waa mid aan loo baahnayn oo khasaare dhaqaale iyo mid shaqoba wata. Muwaadiniinta xogtooda gaarka ah la diiwaangeliyo waa in aan lagu qasbin in ay kow kasoo billaabaan mar kasta oo ay u baahdaan dukumeentiyada dowladda sida baasaboorka, cadeynta amniga iyo warqadaha dhalashada.

Maxamed Aadam waa maamulaha Public Agenda Forum iyo cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *