Is-afgaradka Itoobiya iyo Soomaaliland: Saameynta iyo fursadaha midnimo qaran ee Soomaaliya

Commentary

Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa 1-dii Janaayo 2024 magaalada Addis Ababa is-afgarad muran badan dhaliyey kula saxiixday Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Weli dadweynaha looma soo bandhigin faah-faahin ku aadan heshiiskan u dhexeeyay Soomaaliland iyo Itoobiya, balse dhowr qodob ayaa lagalasoo dhex bixi karaa hadallada labada dhinac. Itoobiya waxa ay Soomaaliland muddo 50 sano ah ka kireysaneysaa 20 kiiloomitir oo kamid ah xeebta Soomaaliland iyadoo ka sameysaneysa saldhig ciidamada badda ee Itoobiya. Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin, waxa laga yaabaa in uu yahay dhulka ku xeeran magaalada Lughaye ee katirsan gobolka Awdal. Fahamkeenna ayaa ah la doonayo in Itoobiya ay sidoo kale isticmaasho dekedaha Soomaaliland si ay wax ugalasoo degto ama uga dhoofiso.

Taas beddelkeeda, waxa laga yaabaa in Itoobiya ay qaaddo tillaabo ay Soomaaliland ugu aqoonsanayso dal madax-bannaan, inkastaoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa dhab ahaan lagu heshiiyay maadaama hadallada kasoo baxaya labada dhinac ay is burinayaan. Midda labaad, Soomaaliland ayaa suuragal ah in ay saami ay ku yeelato diyaaradda Ethiopian Airlines saamigaas oo u dhigma 50-ka sano ee heshiiska kirada xeebta iyo dhulka ah. Si dadban, waxa kale oo Soomaaliland ay ka faa’iideysaa ganacsiga ay Itoobiya la yeelaneyso. Dhinacyada gaaray is-afgaradka ayaa diiradda saaray qeybo kala duwan oo kamid ah heshiiska – mas’uuliyiinta Itoobiya waxay xoogga saareen dhinacyada milateriga iyo ganacsiga, halka maamulka Soomaaliland uu diiradda saarayo suurtagalnimada aqoonsi. Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in wada xaajoodku uu socday muddo bilooyin ah.

Saxiixa is-afgaradka ayaa abuuray kala-qeybsanaan iyo xiisad diblomaasiyadeed oo ka aloosantay gobolka Geeska Afrika. Waxa kale ee uu kusoo beegmayaa xilli ay kacsan tahay xiisadaha ka taagan Badda Cas/Gacanka Cadmeed. Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg ah yeeshay 2-dii bishan Janaayo ayaa soo saaray go’aan lagu burinayo is-afgaradka. Baarlamaanka ayaa sidoo kale diyaariyay oo ansixiyay sharci, uu kadibna madaxweynaha saxiixay, oo baabi’inaya is-afgaradka. Dhowr dal ayaa soo saaray war-saxaafadeedyo ay ku taageerayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale ururro ay kamid yihiin Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. Mudaaharaadyo loogasoo horjeedo is-afgaradka ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ee uu kamid yahay gobolka Awdal oo ay ku taallo magaalada Lughaye. Sidoo kale, waxa magaalada Hargeysa ka dhacay mudaharaad lagu taageerayo heshiiska. Ururada bulshada rayidka ah ayaa hormuud ka ahaa doodo kala duwan oo dhanka fogaan-aragga ah iyo kuwo aan ahaynba oo ka dhacay Soomaaliya iyo weliba Itoobiya oo looga hadlayay is-afgaradka.

Saameynta uu ku leeyahay Soomaaliya

Is-afgaradka Soomaaliland iyo Itoobiya ayaa saameyn doono arrimo badan oo ay kamid yihiin wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, xiriirka Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, iyo mudnaanta dowladda federaalka ee amniga iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka..

Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland: Saxiixa Is-afgaradka ayaa u muuqda mid saameyn degdeg ah iyo mid mustaqbalka ahba ku yeelan doona wada-hadallada dowladda federaalka iyo Soomaaliland. Ugu horreyn, is-afgaradka ayaa sii kordhiyay kala qeybsanaantii ka jirtay Soomaaliland, gaar ahaan cabashooyinkii muddada dheer soo jiray ee gobolka Awdal. Bulshada deegaanka ayaa dareemayay in laga saaray mashruuca guud ee Soomaaliland, waxa ayna ka walaacsan yihiin metelaad la’aanta maamulka Soomaaliland. Waxaa xusid mudan in wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliland oo kasoo jeeday gobolka Awdal uu iska casilay xilkii uu hayey isagoo kasoo horjeesaday is-afgaradka. Arrintaan soo korodhay, oo ay weheliso dagaalladii sanadkii 2023 ka dhacday Laascaanood, waxa ay muujinayaan kala qeybsanaan siyaasadeed ee Soomaaliland dhexdeeda ah. Intaa waxa dheer, is-afgaradku waxa uu saameyn taban ku yeelan karaa rajada Muuse Biixi ee doorashada madaxweynaha oo dib ugu dhacday Nofeembar 2024. Shacbiyaddiisa ayaa hoos u dhaceysay tan iyo markii ay billaabatay colaadda Laascaanood iyo sida uu uga cagajiidayay in uu doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabto. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Muuse uu heshiiskaas u saxiixay si uu sumcaddiisa usoo wanaajiyo, islamarkaana uu sare ugu qaado fursadaha uu mar labaad kusoo laaban karo doorashada soo socota.

Midda labaad, is-afgaradku waxa uu si weyn u carqaladeeyey rajadii laga qabay wada-hadalladii iyo wada-xaajoodkii dowladda federaalka iyo Soomaaliland. Saxiixa heshiiskan ayaa ahaa mid lama filaan ah, oo dhacay waxyar kadib kulan labo maalmood qaatay oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi. Kulankan ee uu fududeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalmo kooban kahor ka dhacday Jabuuti. Shirkan oo ay dhinacyadu isku afgarteen in dib loo bilaabo wada-hadallada, islamarkaana la dhaqan-geliyo heshiisyadii hore, ayaa markii hore u muuqday mid guul ah, kaddib muddo dhowr sano ah oo aan wadahadal la yeelan. Rajo kasta oo ka dhalatay kulankaas ayaa markii dambe meesha ka baxday, waxaana si weyn u xumaaday xiriirka labada dhinac. Rajada keliya oo ay wadahadallada dib ugu billaaban karaan ayaa u muuqataa in ay qeyb ka ahaan doonto baabi’inta is-afgaradka iyo sugitaanka natiijada doorashada madaxtooyada Soomaaliland ee sanadka 2024.

Dowlad-goboleedyada: madaxda diowlad-goboleedyada ayaa arrintan si muuqda uga hadlin. Inkastoo madaxda dowlad-goboleedyada  badankooda, marka laga reebo Puntland, ay ka qeyb galeen shirka Golaha wWdatashiga Qaran oo fogaan-arag ku qabsoomay oo ay dowladda federaalka la galeen 2-dii janaayo ayna si wadajir ah usoo saareen war-saxaafadeed ay ku diidayaan is-afgaradka, haddana ma jirin hadallo ama olloleyn arrinkan ku aaddan ee ka muuqda dowlad-goboleedyada. Waxaa ka duwan madaxda gobolka Banaadir oo qeyb muuqata ka qaatay isusoo bixinta iyo abaabulka banaanbax ballaaran oo loogasoo horjeeday heshiiska, kaasoo magaalada Muqdisho ka dhacay 11-kii Janaayo.

Waxaa jira sababo dhowr ah oo keenaya aamusnaantan oo ay kamid tahay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada ATMIS, iyo in inta badan dowlad-goboleedyada aanay siyaasad ahaan xasilneyn. Intaa waxaa dheer, qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada waxa ay taariikh ahaan joogteeyeen xiriirka ay la leeyihiin Addis Ababa taasoo saameyn ku yeelan karta mowqifka ay ka qaataan arrintan. Sidoo kale, madaxda dowlad-goboleedyada ee doonaya in ay xukunka sii joogaan kadib Nofeembar 2024, ama ha qabtaan doorasho ay ku shubteen ama muddo kororsi, ayaa laga yaabaa in ay taageero ka raadiyaan Itoobiya. Waxaa sidoo kale suuragal ah in Itoobiya ay arrinkan ka faa’iideysato ayna xiriir la sameyso dowlad-goboleedyada si ay Soomaaliya u daciifiso qaran ahaan. Is-afgaradka Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa sidoo kale saameyn degdeg ah ku yeelan kara dowlad-goboleedyada qaar, gaar ahaan haddii Dowladda Federaalka ay muhiimadda saarto ayna codsato ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidamada Itoobiya ee katirsan ATMIS, kahor qorshaha bixitaanka ciidamada oo ahaa dhamaaka sanadkan. Waa go’aan ay qaadan karto Dowladda Federaalka Soomaaliya haddii Itoobiya ay isku daydo hirgelinta qeybo kamid ah heshiiska.

Mudnaanta dowladda federaalka: Is-afgaradka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doona labada arrin ee ugu muhiimsan dowladda federaalka oo kala ah dagaalka al-Shabaab iyo dhameystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Dowladda federaalka ayaa weeraro joogta ah ka fulineysay Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo qoresheynaysay in ay wejiga labaad ee dagaalka ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Dadaalladan ayaa looga gol lahaa xasilinta wadanka kahor inta aan la gaarin qorshaha bixitaanka ATMIS ee Diseembar 2024. Sikastaba ha ahaatee, xasaradaha siyaasadeed ee soo kordhay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayay u badan tahay in ay diiradda ka weeciso dagaalada lagula jiro al-Shabaab, taasoo sidoo kale saameyn ku yeelan karta muddada loo qabtay bixitaanka ATMIS. Intaa waxaa dheer, qorshaha Soomaaliya, ee la shaaciyay sanadkii hore, ee ahaa in la tixgeliyo iskaashiga amniga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo “dowladaha safka hore” oo ay ku jirto Itoobiya, ayaa furay rajada sii joogitaanka Soomaaliya ee ciidamada Itoobiya ee aan kamidka ahayn ATMIS. Sikastaba ha ahaatee, tani hadda waxay noqon kartaa mid aan siyaasad ahaan la sii wadi karin, iyadoo xaddidaysa fursadaha kala duwan ee qaabeynta ammaanka Soomaaliya bixitaanka ATMIS kadib.

Is-af-garadka ayaa laga yaabaa in dowladda federaalka uu ka weeciyo mudnaanteedii kale ee ahayd dhameystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee 2024. Geedi-socodka ayaa horay ula kulmay dib-u-dhacyo iyo caqabado, balse dowladda federaalka ayaa sanadkan bolwgiisa qorsheysay in doodda dastuurka la horgeeyo baarlamaanka federaalka kadib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka uu afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka u gudbiyay Guddiga Lasocodka Baarlamaanka. Xasaradaha kasoo cusboonaaday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loo badinayaa in hannaankan uu ku keeno dib-u-dhac hor leh iyo culeysyo.

Fursadaha Midnimo iyo Heshiis Siyaasadeed

Iyadoo ay jiraan saameyntan dhinacyada badan ee uu is-afgaradka ku leeyahay Soomaaliya, waxaa sidoo kale loo arki karaa in uu yahay fursad lagu midoobi karo sidoo kalena lagu xallin karo khilaafyada siyaasadeed ee Soomaaliya. Inkastoo ay dowladda federaalka diiradda saartay diblomaasiyadda iyo abaabulka dadweynaha, waxay ay heshiiska iyo qalalaasaha taagan u adeegsan kartaa fursad ay uga shaqeyso midnimo qaran. Bannaan-baxa ay dadweynaha ugasoo horjeesteen heshiiska, oo xitaa gaaray qeybo kamid ah Soomaaliland iyo qurbaha, waxaa lagu dari karaa xoojinta isbedello siyaasadeed oo ballaaran.

Ugu horreyn, waa in hoggaanka dowladda federaalka uu la xiriiro madaxweynaha dhawaan dib-loo-doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Waa in madaxda dowladda federaalka iyo Puntland ay ka wadashaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen kala duwanaashahooda siyaasadeed, ayna tixgeliyaan caqadaha guud oo ay Soomaaliya wajaheyso. Wadahadallada iyo wadasheynta waxaa bar billaw u noqon karta in madaxweynaha dowladda federaalka uu tago xafladda caleemasaarka madaxweynaha Puntland. Tallaabadan ayaa billow u noqon karta furitaanka wadahadallo ku aadan heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), sidoo kalena laga shaqeeyo suuragalnimada kusoo celinta Puntland ee GWQ. Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Puntland ee dib loo doortay uu dhawaan soo saaray qoraal sheegaya rajada uu ka qabo in dib looga hadlo heshiisyadii hore ee GWQ, iyo codsi ku aadan hakinta doodaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka si arrinkaas wakhti loogu helo. Tani waxa ay muujineysaa fursad wakhtigeeda la joogo oo Puntland dib loogusoo celin karo GWQ.

Midda labaad, waa in dowladda federaalka ay qaban-qaabsaa kulan degdeg ah oo ay la yeelaneyso xubnaha GWQ, oo ay Puntland kamid tahay, si loo yeesho doodo loo dhanyahay oo ku saabsan amniga iyo caqabadaha siyaasadeed ee ka dhalan kara is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland, iyo sida arrinkan loo wajahi karo. Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saari karaa in madaxda dowlad-goboleedyada ay ka foogaadaan in ay xiriir labo geesood ah la yeeshaan Itoobiya maadaama ay yeelaneyso saameyn amni iyo mid siyaasadeed oo taban. Waa in GWQ uu soo bandhigaa waddo cad oo looga gudbo saameynta amni ee uu heshiiska ku leeyahay dowlad-goboleedyada kaasoo u baahan tixgelin degdeg ah, iyo sidoo kale in dib looga wadahadlo lana xalliyo tabashooyinka Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee arrimaha la xiriira heshiisyadii siyaasadeed ee hore ee GWQ gaaray. Waa in sidoo kale laga doodaa sida loo maareynayo doorashada dowlad-goboleedyada ee ku wakhtiyeysan Nofeembar 2024.

Midda sedexaad, waa in hoggaanka dowladda federaalka uu qabto kulan uu la yeelanayo daneeyeyaasha siyaasadeed ee bannaanka ka ah GWQ, kuwaasoo walaac ka muujiyey heshiiskii doorasho ee uu dhawaan gaaray GWQ. Kulanka waa in looga doodaa xaaladda hadda jirta, doorka ay siyaasiyiintu ka qaadan karaan ka hortagga khataraha iman kara, iyo su’aalaha heshiiska siyaasadeed ee la doonayo in lagu xalliyo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka.

Midda afaraad, haddii Puntland ay dib ugusoo laabato GWQ, sidoo kalena isfahan heshiisyadii GWQ lagala yeesho daneeyeyaasha siyaasadda, baarlamaanka ayaa billaabi kara geeddi-socoka dib-u-eegista dastuurka. Heshiis iyo midnimo dowladda federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee arrimaha la xiriira heshiiska siyaasadeed ee gudaha keliya sare uma qaadayo dhameystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka balse waxa uu sidoo kale suuragelinayaa isku-duubni siyaasadeed ee ku aaddan howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo sidoo kale ujeeddo mideysan ee ka jawaabista Soomaaliya ee xasaradaha cusub ee uu abuuray is-af-garadka Itoobiya & Soomaaliland.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent Posts

Follow Us