Is-waafajinta sharciyada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Markii ugu horreysay muddo 50 sanno kadib ah, doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacaan Soomaaliya. Saddex sharci ayaa haga doorashooyinka qaranka kuwaasoo kala ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda oo ay dhammaantood dib-u-eegis ku socoto. Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaran iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay ayaa ku jira dib-u-eegis baarlamaan, halka guddi madax-bannaan iyo guddi xildhibaanno ah ay dib-u-eegayaan Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Inkastoo sharciyadaan lagu maamuli doono doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanado badan, haddana waxaa jira qodobo dhowr ah oo ku jira sharciyadan oo saameyn ku leh doorashooyinka 2020-ka dhacaya una baahan in lays waafajiyo. Qodobo dhowr ah ayaa iskahorimaanaya ama ay adag tahay in la dhaqangeliyo. Waxana ay abuuri karaan caqabad ka imaan karta fasiraaddooda iyo dhaqangelintooda.

Wakhtiyada

Waxaa jira kala duwanaan ka jirta xagga wakhtiyeynta ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda iyo Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Tusaale ahaan, qodobka 4 (d) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda waxa uu sheegayaa in xisbiga siyaasadeed ee loo diwaangeliyey si kumeelgaar ah uu diiwangelinta rasmiga ah ku codsan karo muddo shan (5) bilood gudahood kahor inta aanay bilaaban doorashada. Qodobka 37 (d) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ayaa sidoo kale qeexaya habka lagu dhameystirayo diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda in uu ku dhacayo ugu yaraan lixdan (60) maalmood kahor doorashooyinka.

Wakhtiyeynta diiwaangelinta xisibyada ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ayaa kahor imaanaya qodobo qaar oo ku jira Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Qodobka 14 (3) ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegaya in Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ay shaacinayaan wakhtiga doorashada ay dhaceyso ugu yaraan 90 maalmood kahor inta aynan codeyntu dhicin. Intaa waxaa dheer, qodobka 25 (1) ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa qeexaya in xisbiyada siyaasadda ay soo gudbiyaan tirada musharaxiinta u tartamaya doorashooyinka xildhibaannimaada boqol iyo labaatan (120) maalmood kahor maalinta doorashada.

Xisbi siyaasad ma raaci karo wakhtiyeynta shanta bilood ah si rasmi loogu diiwaangeliyo ilaa inta lagu dhawaaqo wakhtiga ay doorashada dhaceyso weliba muddo ku filan (lix bilood oo kale) kahor inta aan codeynta bilaaban. Waxaa suuragal ah in xisbi siyaasadeed uu awoodi waayo in uu liiska musharaxiinta soo gudbiyo (120 maalmood kahor maalinta cod-bixinta) haddiiba aanan weli la dhameystirin diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maadaama musharaxiinta oo dhami ay noqonayaan cod-bixiyeyaal diiwaangishan. In la codsado diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyada iyadoo 5 bilood keliya ka harsan tahay doorashada waxa ay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka siineysaa wakhti aad u yar oo ay dib-u-eegis ku sameeyaan codsiga xisbiga. Sidaas darted, waa in wakhtiyeynta ku xusan labada sharci lays waafajiyaa.

Ololaha doorashada

Arrin kale oo ay ka jirto qodobo iska-hor-imaanaya ayaa ah muddada ololaha doorashada. Qodobka 13 (2) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ayaa qeexaya in ololaha doorashada – oo ah in ay xisbiyada siyaasadda soo bandhigayaan barnaamijyadooda iyo xubnaha uga qeyb qaadanaya doorashada – la joojiyo toddobo (7) maalmood kahor inta aanay billaaban doorashada. Qodobkan ayaa kahor imaanaya qodobka 30 (2) ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka kaasoo sheegaya in ololaha doorashada uu bilowdo 45 maalmood kahor doorashada sidoo kalena dhammaado 48 saacadood kahor maalinta doorashada.

Labadaan qodob ayaa mid kastaa soo jeedinayo labo wakhti oo kala duwan oo olole joojin ah: 7 maalmood ee uu soo jeedinayo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda iyo 48 saacadood ee uu soo jeedinayo Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Waa in laga sii fogaadaa iska-hor-imaanshaha nuucaan ah iyadoo la is-waafajinayo labada wakhti ee ololaha doorashooyinka.

Xalinta murannada doorashoyiinka

Hab fiican oo lagu xallinayo murannada doorashada ayaa saldhig u ah in la helo hannaan doorasho oo lagu kalsoonan karo. Waxay u baahan tahay hanaan cad iyo wakhti xaddidan si loo yareeyo khilaafka u dhexeeya dadka kaalinta ku leh doorashada sida QMDQ, cod bixiyeyaasha, xisbiyada siyaasadeed, musharaxiinta iyo taageerayaashooda. Khilaafyada doorashada waa in loo xalliyaa si hufan, waxtar leh, dhexdhexaadna ah.

Qaabka sharci ee hadda jira ayaanan lahayn caddeyntii loo baahnaa. Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaanan si cad u qeexeynin sida xallinta khilaafyada u shaqeyneyso, sidoo kalena Sharciga Xisbiyada Xisbiyadda waxaa ku jira qodobo mugdi ku jira.

Wax-ka-beddelka lasoo jeediyey ee qodobka 33-aad ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda wuxuu dhigayaa inay waajib ku tahay maxkamadda in ay dardargeliso howlaha go’aan qaadashada ee dacwada la xiriirta doorashada ee la-hor-keenay. Qodobka wuxuu dalbanayaa in maxkamaddu ay ku gaarto go’aannadeeda soddon (30) maalmood gudahooda oo laga bilaabo taariikhda kiiska la horgeeyay, go’aankana ‘maxkamadda awoodda u leh’ ayaa racfaan looga qaadan karaa iyadoo la raacayo xeerka habraaca madaniga ah. Si kastaba ha noqotee, baaxadda la adeegsan karo qodobka 33-aad ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed waa in la caddeeyaa: ma waxaa loo isticmaalayaa keliya kiisaska khilaafyada ka dhex dhaca xisbiyada sida lagu qeexay qodobka 32-aad ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadda mise loo isticmaali karaa dhammaan murannada la xiriira doorashada? Wax-ka-beddelka lasoo jeediyay ee Sharciga Xisbiyada kama hadlayo baaxadda dhaqangelinta qodobkan.

Dhanka kale, qodobka 111G ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, oo cadeynaya waajibaadka Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaa uu ku daray waajibaadka GMDQ xalinta khilaafyada doorashada. Iyadoo ay jiraan awoodaha QMDQ ee lagu sheegay Dastuurka iyo qodobka 14-aad ee sharciga lagu aasaasay, qodobka 7-aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka wuxuu sheegayaa in QMDQ uu yeelan doono awoodaha: (I) dejinta iyo go’aan-ka-gaarista cabashooyinka ka dhanka ah xafiis-hoosaadyadooda; iyo (II) in ay go’aan ka gaaraan murannada doorashada iyo cabashooyinka ay usoo gudbiyaan xafiis-hoosaadyadooda.

Sidoo kale, qodobka 44-aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka hadlayaa cabashooyinka heerka cod-bixinta iyo awoodda go’aaan-ka-gaarista cabashada ee uu leeyahay maamulaha goobta cod-bixitinta, halka qodobka 48-aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka uu dejinayo shuruudaha loosoo gudbiyo waraaqaha cod-bixinta lagu muransan yahay ee xarunta dhexe ee cod-tirinta. Waxa halkaan ka maqan ayaa ah caddaynta waxa laga yeelayo warqadda cod-bixinta ‘lagu muransan yahay ee heer dhexe ama sida iyo goorta loo gaarayo natiijooyinka goobaha codbixinta doodda ka taagan tahay. Qodobkan kama turjumayo habka muranka doorashada ee caadiga ah ee uu maamulka doorashadu gaarayo go’aan heerka goobta cod-bixinta, iyo haddii qof u maleeyo in xuquuqdiisa si aan sax ahayn uu saameeyn ugu yeeshay go’aankan uu gudbin karo cabasho.

Intaa waxaa dheer, qodobka 53-aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka wuxuu sheegayaa in cabashooyinka doorashada ay khasab tahay in ay ‘maamusho maxkamad awood u leh’. Waxa ay caddeyneysaa in maxkamadaha ay dhageysan karaan cabashooyinka la xiriira xuquuqda cod-bixinta, xuquuqda ka qeybgalka doorashooyinka iyo natiijooyinka doorashada kama dambeysta ah, inkastoo ciwaanka maqaalka uu kaliya tilmaamayo nooca dambe ee cabashooyinka. Wuxuu intaa ku darayaa in cabashooyinka la xiriira natiijooyinka doorashada ay tahay in la-hor-keeno maxkamad leh awood caynkan oo kale ah 14 maalmood gudahood lagasoo billaabo maalinta uu GMDQ ku dhawaaqo natiijada doorashada, maxkamadduna markaas kadib go’aan ka gaarto kiiska muranka doorashada 15 maalmood gudahood. Qodobkan uma jaangoynayo wakhti xaddidan cabashooyinka ku saabsan xuquuqda cod-bixinta iyo xaqa ka qeybgalka. Qodobkan ayaa sidoo kale sheegaya in cabashooyinka ka dhanka ah go’aannada maamul ee QMDQ la geyn karo maxkamadda sare.

Dhammaan qodobbadan waa kuwo lagu wareerayo, oo keenaya fasiraad khaldan, mararka qaarkoodna is burinaya. Waa muhiim in xitaa qofka haddii looga guuleystay doorashada uu ugu yaraan ku qanacsanaado habka loo maareynayo xallinta khilaafyada doorashada. Tani waxay keeneysaa in uu aqbalo/aqbasho natiijada.

Shuruudaha diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed.

Maka laga hadlaayo diiwaangelinta xisbiyada ee rasmiga ah, qodobka 7-aad ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed wuxuu soo jeedinayaa in xisbiyada sida kumeelgaarka ah u diwaangashan loo diwaangelin doono si rasmi ah marka xubnahoodu ay yihiin ugu yaraan toban kun (10,000) muwaadiniin Soomaaliyeed oo u qalma inay noqdaan cod-bixiyeyaal, islamarkaana deggan ugu yaraan sagaal kamid ah 18-kii gobol ee jiray kahor 1991. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaeanka waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay hubiyaan in xubnaha xisbiyadu yihiin kuwo noqon kara cod-bixiyeyaal.

Qodobka 13-aad ee wax-ka-beddelka la soo jeediyay ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed wuxuu soo jeedinayaa in wax laga beddelo qodobka 23-aad ee Sharciga Xisbiyada, ee ku saabsan qaybinta ‘maalgelinta xisbiyada siyaasadeed’  – oo ah sanduuqa ay dawladda federaalku u qoondeyneyso islamarkaana ay maamulayaan diiwaan-hayaha xisbiyada siyaasadeed ee GMDQ iyo xafiiska hanti-dhowrka guud –, wuxuu sheegayaa in xisbi siyaasadeed aanu xaq u yeelan doonin in uu maalgelin ka helo sanduuqa haddii: uusan heysan saxiixa tobon kun (10,000) muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaas oo u qalma inay isu diiwaangeliyaan sidii cod-bixiyeyaal iyadoo la raacayo shuruucda doorashada, islamarkaana  taageera xisbiga oo ku kala nool ugu yaraan 9 gobol oo kamid ah 18-kii gobol ee jiray 1991-kii. Wax-ka-beddelka lasoo jeediyay ayaa beddelaya shuruudda ah in la helo toban kun (10,000) xubnood oo ka diiwaan-gashan kuna beddelaya in xisbigu lahaado toban kun (10,000) muwaadiniin Soomaali ah.

Marka laga eego dhanka fiican, wax-kabeddelkan waxay keenaysaa horumar laga gaaro qodobka 6 (c) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee ka codsanaya xubnaha xisbiyada siyaasadeed inay noqdaan kuwa u qalma cod-bixinta oo aanay daruuri ahayn in ay yihiin cod-bixiyeyaal diiwaangashan. Sababtoo ah tan dambe ayaa ku adkaan doonta xisbiyada siyaasadeed wakhtiga diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee 2020 oo aad ciriiri u ah awgeed. Hase yeeshe, tirada badan ee 10,000 ee xubnaha looga baahan yahay ayaa weli ah caqabad kahor imaan karta in xisbiyada siyaasaddu is-diiwaangeliyaan. Tani waxaa culeys kasii dhigaya xaqiiqda ah in qodobkan uu waajibinayo 10,000 ‘xubnood’ oo aan ahayn ‘taageerayaal’, ama sida lagu sheegay wax-ka-beddelka lasoo jeediyey ee Qodobka 23, ‘muwaadiniinta Soomaaliyeed’.

Talooyin mudan in ay tixgeliyaan xildhibaannada

Shuruucda hagaysa doorashooyinka qaranka waxaa dib-u-eegis ku sameeynaya baarlamaanka. Si looga fogaado is-burin iyo fasiraadaha kala duwan ee shuruucda, baarlamaanka waxaa uu tixgelin karaa talooyinka soo socda:

Wakhtiga: diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyadu waa in ay si dhakhso ah u bilaabataa si loo siiyo xisbiyada fursad ay ku fuliyaan howlaha kala duwan ee xisbiga kahor doorashooyinka 2020. Qodobka 4-aad (d) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed waa in dib loogu noqdaa iyadoo la beddelayo ereyga ‘gudaheeda’ loona bedelaayo ‘ilaa’, taasoo la micno ah in xisbiyada sida kumeelgaarka ah loo diiwaangeliyay ay codsan karaan diiwaangelin buuxda illaa shan bilood kahor taariikhda loo cayimay doorashada.

Sidoo kale, qodobka 25-aad (1) ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee ku saabsan soo gudbinta xisbiga ee liisaska murashaxiinta (u tartamaya doorashada baarlamaanka) boqol iyo labaatan (120) maalmood kahor maalinta doorashada, waa in la tirtiraa oo taas beddelkeeda lagu daro xeerarka iyo nidaamka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Ololaha doorashada: is-burinta Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee ku saabsan xilliyada olalaha uu joogsanayo (48 saacadood iyo 7 maalmood) waa in la xalliyaa iyadoo la tirtirayo qodobka ku jira Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed. Qodobka Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka waa in uu sidiisa ahaadaa maxaa yeelay 48 saacadood waa wakhti cayiman oo badanaa loo adeegsado xilliyada ololaha uu joogsanayo. Muddada 48-da saacadood ah ayaa laga isticmaalaa, tusaale ahaan, Afghanistan, Bosnia iyo Herzegovina, Georgia, Romania, South Africa, iyo Uruguay.

Xallinta khilaafaadka doorashada: si looga fogaado dib-u-dhigga ansaxinta Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, waxaa fiican in lasoo bandhigo qodob guud oo qeexaya nidaamka xallinta khilaafyada doorashada kaasoo lagu sii caddeeynaayo xeer-hoosaadyada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Intaa waxaa sii dheer, waxaa horay loogusii saadaaliyey sharciga QMDQ iyo Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka in kiisaska la xiriira xaq-u-lahaanshaha cod-bixinta, xaqa ka qeybgalka iyo natiijada doorashada lagu xalliyo maxkamadaha.

Hannaanka xallinta khilaafaadka doorashada waxaa uu u baahan yahay in si dheeraad ah loo qeexo oo si wanaagsanna loo diyaariyo; waa in uu si cad u sheegaa hay’adaha ku lugta leh iyo wakhtiga loo qabanayo soo gudbinta cabashooyinka.  Tani waxaa qeyb ka ah wakhtiyada go’aan-ka-gaarista cabashooyinka la xiriira qaababka GMDQ ula tacaamulayo murannada iyo kiisaska ku lugta leh natiijooyinka doorashada, xaq-u-lahaanshaha cod-bixinta iyo xaq-u-lahaanshaha u-soo-istaagidda doorashada, iyo wakhtiga maxkamadda ee gudbinta rafcaanada.

Diiwaangelinta dhameystiran ee xisbiyada: way adkaan doontaa in la dhaqan geliyo qodobka 7-aad ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee wax-ka-badalka lagu sameeyay iyadoo uusan jirin sharci doorasho oo haatan shaqeynaya. Ma jiraan shuruudo qeexaya cidda codeyn karta.  Sidaas daraadeed, habab kale oo lagu diiwaangeliyo xisbiyada oo u saamaxaya in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka soo socda waa in la raadiyaa.


Tixanaha Doorashada: doorashooyin baarlamaan iyo madaxweyne ayaa la filayaa in ay Soomaliya ka dhacaan dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021. Waxa aan bilownay qormooyin tixane ah oo la xiriira doorashooyinka. Qormo kasta waxa ay falanqeyneysaa mowduuc la xiriira doorashada. Faalladan waa middii saddexaad ee tixanaha. Somali Public Agenda waxa ay soo dhaweyneysaa talooyinka iyo fikradaha la xiriira doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *