Jahwareerka doorasho ee Hirshabeelle

Bishan Oktoobar, waxaa dhammaanaya muddo-xileedka 4-ta sano ah  ee baarlamaanka iyo madaxweynaha Hirshabeelle. Kadib markii ay soo xuleen odayaasha beelaha, baarlamaanka Hirshabeelle waxaa la dhaariyay 9-kii Oktoobar 2016. 13-kii Oktoobar  ayaa la doortay guddoomiyaha iyo ku-xigeennada baarlamaanka. Sidoo kale baarlamaanka ayaa doortay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne-ku-xigeenka Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) 17-kii Oktoobar 2016. Cali Cabdullaahi Cosoble, (oo ka haley 61 cod 98 xildhibaan) waxa uu ka guuleystay musharrixii la tartamayay, Maxamed Cabdi Waare, oo helay 36 cod.

Muddo ka yar sanad, baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble 14-kii Ogosto 2017 kadib markii mooshin kalsooni kala noqosho laga keenay. Maxamed Cabdi Waare oo horey ula tartamay ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha labaad ee Hirshabeelle 16-kii Sebtember, 2017, isagoo helay 75 cod. Waare waxaa lagu caleemo saaray magaalada Jowhar 23-kii Oktoobar 2017 xaflad ay kasoo qeyb galeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Michael Keating, iyo wakiilo kale ee beesha caalamka.

Dastuurka Hirshabeelle ayaa ku xaddidaya muddo-xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha afar sano. Inkastoo madaxweynaha hadda talada haya Maxamed Cabdi Waare la caleema saaray saddex sano kahor bishaan, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu dhammaystirayo muddadii madaxweynihii hore, kaasoo dhammaan lahaa bishan Oktoobar. Sidaas darteed, doorashada dowlad-goboleedka waxa ay ahayd inay dhacdo bishan. Sikastaba ha noqotee, diyaar garowga doorashada ayaa ahaa mid liita, waxaana ay doorashadu kusoo beegantay iyadoo loo diyaargarobayo lana wakhtiyeeyay muddada doorashooyinka federaalka. Guddiyada maaraynta doorashada federaalka ayaa la filayaa in la magacaabo bishaan.

Hirshabeelle waxay ahayd maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee laga yagleelay Soomaaliya. Nidaamkeeda maamul-u-sameynta waa la dedejiyey si looga gaarsiiyo doorashadii dadbaneyd ee 2016 halkii laga aasaasi lahaa maamul tayo leh oo xasilloon. Qaar kamid ah beelaha dega gobolka Hiiraan – oo kamid ah labada gobol ee ku midoobay Hirshabeelle – ayaa ka caga jiidayay isku darka labada gobol. Sikastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ee xilligaas waxay dooneysay inay dedejiso dhismaha maamul goboleedka cusub si uu maamulka uga qeybgalo doorashadii dadbaneyd ee 2016.

Markii la doortay afhayeennada baarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo madaxweynaha, waxay si toos ah ugu lug yeesheen doorashadii dadbaneyd ee federaalka ee 2016. Baarlamaanka dowlad-goboleedka ayaa doortay xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanayay Hirshabeelle, madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedkana waxa uu magacaabay Kooxda Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad-gobol. 37 xildhibaan golaha shacabka ayaa lagu doortay magaalada Jowhar. Wasiirada Hirshabeelle waxaa la magacaabay kadib doorashadii dadbaneyd ee heer federaal ee 2016.

Afar sano kadib, doorashada dowlad-goboleedka Hirshabeelle waxay la kulantay doorasho kale ee federaal. Madaxda federaalka ee hadda talada haysa waxay mar kale u muuqdaan kuwo doonaya inay dardar geliyaan doorashada dowlad-goboleedka Hirshabeelle si maamulka cusub uga qeybgalo hanaanka doorashada dadban ee heer federaal ee 2020-21.

U diyaar garowga doorashada Hirshabeelle

U diyaar garowga doorashada Hirshabeelle ayaa liitay. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku mashquulsanaa dadaallada loogu jiro sahminta qaabka doorashada federaalka. Wuxuu kaqeybgalay shirarkii madaxweynayaasha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee ka dhacay Dhuusamareeb (I, II & III) iyo Muqdisho, iyo sidoo kale heshiiskii dhawaan Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran ay ka gaareen faahfaahinta farsamo ee doorashada federaalka. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa 29-kii bishii siddeedaad ee sannadkan magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 11 xubnood oo dhammaantood rag ah oo loo xilsaaray inay isku keenaan odayaasha beelaha kana caawiyaan xulista xildhibaannada dowlad-gobolleedka.

6-dii Oktoobar, guddiga farsamada ayaa soo saaray jadwalka doorashada ee xildhibaanada baarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sida ku xusan jadwalka, xulista baarlamaanka iyo doorashada afhayeennada baarlamaanka ayaa lasoo gabagabeyn doonaa inta u dhexeysa 8-da Oktoobar ilaa 10-ka Nofeembar. Dhowr saacadood kadib markii uu guddiga farsamo daabacay jadwalka doorashada, madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo saaray qoraal uu u diray gudoomiyaha guddiga farsamada. Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan arrimo ay tahay in wax laga qabto kahor inta aan lagu dhawaaqin wakhtiga doorashada oo ay kamid yihiin ku darista xubnaha haweenka ee guddiga, qeexidda shaqada guddiga, tababarka guddiga farsamada, u kuurgalidda cabashooyinka beelaha dega Hirshabeelle, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo abaabulka shir ballaaran oo odayaasha beelaha Hirshabeelle ay uga heshiiyaan awood-qeybsiga beelaha Hirshabeelle

Arimahaan waxay muujinayaan in madaxweynaha iyo guddiga ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay u dhaceyso doorashada Hirshabeelle. Intaa waxaa dheer, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka, oo horseed ka ahayd geeddi-socodka dhismaha dowlad-gobolleedka Galmudug, ayaan kaalin ku lahayn howlaha doorashada Hirshabeelle sababo la xiriira inuu wasiirka wasaaradda yahay sii-haye islamarkaana la filayo in la magacaabo golaha wasiirrada federaalka cusub.

Inkastoo doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha Hirshabeelle ay dhici laheyd bishan, diyaar garowga ma muujinayo rajo badan ee suurtagalnimada in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo dowlad-goboleedka Hirshabeelle wakhtigan.

Isku-dhaca wakhtiyada doorashada federaalka iyo Hirshabeelle

Doorashada Hirshabeelle waxay kusoo beegmeysaa doorashada dadban ee federaalka. Sida ku xusan jadwalka lagu heshiiyey ee doorashooyinka dadban ee federaalka, guddiyada hirgelinta doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed waa in la magacaabaa inta u dhexeysa 10-ka illaa 20-ka Oktoobar (bishaan); tababarro la siiyo guddiyada inta u dhexeysa 20-ka ilaa 31-ka Oktoobar; la diyaariyaa ergooyinka doorashada iyo xarumaha codbixinta bisha Nofeembar; in la doorto xubnaha Aqalka Sare 10-ka maalmood ee ugu horreeya bisha Diseembar; in la doorto xubnaha Golaha Shacabka inta u dhexeysa 10-ka ilaa 27-ka Diseembar; iyo sidoo kale in la doorto gudoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka iyo madaxweynaha inta u dhexeysa 1-da Janaayo iyo 8-da Febraayo.

Haddii baarlamaanka Hirshabeelle la doorto inta u dhexeysa 8-da Oktoobar ilaa 10-ka Nofeembar  sida ay soo jeediyeen guddigooda farsamada, taasi waxay ka dhigan tahay in guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad-goboleed ee doorashada federaalka dadban aan la magacaabi doonin illaa 20-ka bishaan; gudiguna aanu heli doonin tababarka loo qorsheeyay in la siiyo guddiyada kale ee hirgelinta doorashooyinka heer gobol. Tani waxay farsamo ahaan dib u dhigi kartaa jadwalka horeyba cariiriga u ahaa ee doorashooyinka dadban ee federaalka.

Caqabadaha ragaadiga ah

Geeddi-socod dib-u-heshiisiin bulsho lama samayn kahor dhismaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Qaar kamid ah beelaha dega Hirshabeelle ayaan markii hore ku qancsaneyn isku biiritaanka labada gobol. Dooddooda ugu weyni waxay ahayd Hiiraan horay looma kala qeybin laba gobol iyo ka badan, waxayna kamid ahayd siddeeddii gobol oo ay Soomaaliya lahayd markii ay xorriyadda qaadatay 1960-kii. Dhinaca kale, gobolka Shabeellada Dhexe waxaa la aasaasay 1974 wakhtigii  uu Maxamed Siyaad Barre dalka xukumayay, wuxuu u qeybiyey gobolka Benaadir saddex gobol oo kala ah Benaadir, Shabeellada Dhexe, iyo Shabeellada Hoose.

Intaas waxaa sii dheer, bil kahor inta uusan dhammaan wakhtiga xukuumaddii  kumeelgaarka ah, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo gobolka Shabeellada Sare bishii Agosto 2012, taasoo ka abuuri lahayd gobol cusub qeyb kamid ah gobolka Hiiraan. Qaar kamid ah bulshada reer Hiiraan waxay doonayeen inay sharciyeeyaan gobolka Shabeellada Sare kahor dhismihii Hirshabeelle, kadibna ay ku qeybsadaan xilalka iyo awoodaha dowlad-goboleedka cusub saddex gobol – Hiiraan, Shabeellada Sare, iyo Shabeellada Dhexe.

Taasi ma noqon mid hirgasha, dowladdii dhexe ee xilligaasna waxay ku dhaqaaqday isku darka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Magaalada jowhar ee ah caasimadda gobolka Shabeellada Dhexe waxaa loo asteeyay caasimada maamul-goboleedka cusub. Si loo qanciyo gobolka Hiiraan, dowladdu waxay ku dhawaaqday in keliya ay u tartami karaan madaxweynenimada maamulka cusub siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Xawaadle (beesha ugu badan gobolka Hiiraan). Tani waxay ku dhiirigelisay qaar kamid ah siyaasiyiinta beeshaas inay u tartamaan kursiga. Cali Cabdullaahi Cosoble oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka cusub, halka madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal.

Sikastaba ahaataba, midowgii labada gobol iyo awood-qeybsiga ayaa noqday caqabad dhismeed oo curyaamisay dowlad-goboleedka Hirshabeelle afartii sano ee lasoo dhaafay. Dowlad goboleedka cusub ee Hirshabeelle ayaan ku guuleysan dib-u-heshiisiinta beelaha dega Hirshabeelle iyo dhisidda kalsoonida iyo is aaminaadda bulshada ku dhaqan labada gobol. Dadka ku nool gobolka Hiiraan ma arkin mirihii dowlad-goboleedka Hirshabeelle qaarna waxay isu arkaan inaysan kamid ahayn maamul-goboleedka cusub. Markii xubin ka tirsan Somali Public Agenda uu booqday Beledweyne dhammaadkii 2018, wuxuu arkay aragtida taban ee dad badan oo reer Beledweyne ah ay ka qabaan Hirshabeelle.

Afar sano kadib, sameynta dowlad-goboleedka labaad ee Hirshabeelle waxay noqon kartaa mid sixi karta dhibaatooyinka soo wajahay afartii sano ee la soo dhaafay, mid sii joogteysa sida ay hadda wax yihiin, ama mid sii xumeysa.

Saddex xaaladood oo suurtagal ah

Waxaa jira saddex xaaladood oo suuragal ah oo ku aadan arrinka  Hirshabeelle. Midda hore waa joogtaynta xaaladda jirta, oo macnaheedu tahay in la abaabulo doorasho kale oo deg deg ah iyadoo loo daneynayo doorashada dadban ee federaalka ee 2020-21. Sii socodsiinta xaaladda  hadda jirta  waxay gacan ka geysan kartaa fududeynta doorashada Golaha Shacabka iyo wakiillada Aqalka Sare ee metelaya Hirshabeelle muddada dhaw, laakiin dowlad-goboleedku  wuxuu sii wajihi  doonaa caqabado isku mid ah oo dhismaha maamulka la xiriira oo soo foodsaaray afartii sano ee la soo dhaafay. Intaa waxaa dheer, In doorashada Hirshabeelle lagu qabto wakhtigeeda waxay sidoo kale (farsamo ahaan) dib-u-dhigi kartaa jadwalka cariiriga ah  ee doorashada dadban ee federaalka, gaar ahaan doorashada xubnaha labada gole ee baarlamaanka u metelaya Hirshabeelle maadaama ay isku dhacayaan labada wakhti ee doorasho.

Xaaladda ugasii dari karta ayaa ah doorasho deg deg ah oo lagu beddelayo habka awood-qaybsiga hadda jira ee beelaha. Waxaa jira ifafaalooyin muujinaya in dowladda federaalka ay dooneyso madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee hadda kanasoo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe inuu noqdo madaxweynaha Hirshabeelle. Tani waxay ka dhigan tahay in Shabeellada Dhexe ay heysan doontaa magaalo-madaxda gobolka (oo mar dambe laga yaabo in loo wareejiyo Hiiraan) iyo sidoo kale madaxweynenimada. Waxay sidoo kale sii fogeyneysaa gobolka Hiiraan oo beelaha dega qaarkood aanay markii horeba ku qancsaneyn isku biiritaanka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Tani waxay sidoo kale abuuri kartaa oo suurtagal ah in Hiiraan ay gebi ahaanba ka baxdo dowlad-goboleedka Hirshabeelle isla markaana ku dhawaaqdo maamul goboleed cusub – sida Hiiraan State (oo laga shaqeynayay in la dhiso kahor inta aan la sameyn dowlad-goboleedka Hirshabeelle).

Xaalad kale oo suurtagal ah ayaa ah in farsamo ahaan dib loo dhigo doorashada Hirshabeelle muddo lix bilood ah lanasii ambaqaado doorashada dadban ee federaalka. Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu weydiisan karaa baarlamaanka dowlad-goboleedka inay fadhiistaan oo ay ansixiyaan bilooyin kooban oo farsamo ahaan loogu kordhinayo muddo-xileedka dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Tani waxay yeelan kartaa afar waxtar. Midda hore, jadwalka doorashada dadban ee federaalku wax carqalad ah ma lakulmi doono. Tan labaad, beelaha dega Hirshabeelle waxay fursad u heli doonaan inay ka wada hadlaan dhexdooda, xalliyaan tabashooyinka beelaha, ayna dhisaan dowlad heysata oggolaanshaha iyo taageerada dhammaan daneeyayaasha Hirshabeelle ama intooda badan. Tan saddexaad, dowladda federaalka ee cusub – oo afar sano loo igmaday – oo aan wakhtigu cariiri ku ahayn  waxay siin kartaa taageerada lagama maarmaanka u ah sameynta dowlad-goboleedka cusub ee Hirshabeelle. Dowlada dhexe ee hada jirta ayaa ku  bixisay ku dhowaad sideed bilood dhisidda Galmudug. Sidaas oo kale ayaa loo sameyn  karaa  maamul-u-dhisidda Hirshabeelle haddii doorashadeeda farsamo ahaan dib u dhacdo. Ugu dambeyntii, dib-u-dhac farsamo oo ku yimaada doorashada Hirshabeelle ayaa fursad u noqon doonta in la saxo caqabadaha ragaaday ee Hirshabeelle soo foodsaaray afartii sano ee lasoo dhaafay. Tanina waxay horseedi kartaa in la dhiso dowlado hoose oo wax-ku-ool ah oo adeegyada aasaasiga ah siiya bulshada.

Go’aannada ay qaadato dowladda federaalka ee talada heysa iyo sidoo kale danaha iyo sida ay u wajahaan saamileyda Hirshabeelle ayaa qeexi doona jihada ay dowlad-goboleedku u amba qaadi doono sanadaha soo socda.


Taxanaha Doorashada: Faalladan waa middii sagaalaad ee taxanaheenna doorashada. Somali Public Agenda waxa ay soo dhaweyneysaa talooyinka iyo fikradaha la xiriira doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad-goboleed ee la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *