Mahad Wasuge
May 31, 2024
Commentary
Mahad Wasuge
May 31, 2024
8-dii Juun 2023, waxaan fursad u helay in aan ka mid noqdo waxgarad lagu casuumay Villa Soomaaliya si ay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlaan arrimaha muhiimka ah ee dalka. Kulanka ayaa dhacay maalmo kadib markii xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal ay ku mideysan yihiin madaxda fulinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay gaareen heshiis muran badan dhaliyay oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya. Dhinacyo badan ayaa heshiisku ka bixiyay falcelin taban. Waxaa kamid ahaa heshiiska in muddo kordhin loo sameeyay dowlad-goboleedyada, soo jeedinta nidaamka madaxtooyo iyo in meesha laga saaro jagada Raysal Wasaaraha, labo ayaa lagusoo koobay tirada xisbiyada qaranka, iyadoo la soo jeediyay hal hay’ad doorasho ay maareeyso dhammaan doorashooyinka dalka. Waxaa intaa dheer, waxa uu heshiiska sheegay in la qabto doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod ah bisha Juun 2024.
Iyada oo laga duulayo falcelinta taban ee laga sameeyay heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran – iyo garawsiga in aan la sameynin wada-tashiyo hore oo ku filan – Madaxtooyadu waxay soo abaabushay kulanka ay waxgaradka la yeelatay si uu Madaxweynaha u dhageysto aragtiyo kala duwan. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo aan la kulmo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska jooga. Waxaan la kulmay sanadkii 2019 aniga iyo labo cilmibaare kale oo oo ka tirsan Somali Public Agendamarkaas oo aan ka sheekeysannay arrimaha federaalka Soomaaliya isaga oo ku guda jira waxbarashadiisa PhD-da.
Salaan kadib, Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey siyaasadaha kala duwan oo ay mudnaanta siineyso dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin amniga; la dagaalanka musuqmaasuqa; codsiga Soomaaliya (ee hadda la ansixiyay) ee kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika; dhameystirka hannaanka deyn cafinta (oo la dhammaystiray Disembar 2023); iyo ugu dambeyntii heshiiskii Qolaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Kulanka ayaa qaatay ku dhawaad labo saacadood. Dhammaan waxgaradkii la casuumay ayaa la hadlay Madaxweynaha, waxaana qaarkood ay soo jeediyeen talooyin la xiriiray arrimaha ay tahay in ay mudnaanta siiso dowladda federaalka. Markii la gaaray waqtigii aan hadli lahaa, waxaan hubiyay in aanan ka tagin dhammaan qodobbada muhiimka ah ee aan rabay in aan kala hadlo Madaxweynaha, maadaama aanan ogeyn in aan fursad kale u heli doono oo aan toos ah ula hadlo Madaxweynaha Soomaaliya. Waa kuwan qodobbada muhiimka ah ee aan ka hadlay ee khuseeyay doorashooyinka Soomaaliya:
Dib-u-eegista heshiiska doorashada
Marka lagasoo tago arrimaha amniga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa oo aan si kooban uga hadlay, waxa aan diiradda saaray heshiiska doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran. Ugu horeyn, waxaan tilmaamay in doorashada goleyaasha deegaanku aysan dhici karin bisha Juun 2024. Qabanqaabada doorashada goleyaasha deegaanka ee dhammaan dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir muddo hal sano ah ayaa ahayd hiigsi aan waaqici ahayn. Kaabayaasha doorashada ayaan weli ka diyaarsaneyn Soomaaliya iyadoo diyaarinta qaab-dhismeed sharciyeed, dhisidda hay’adaha lagama maarmaanka ah iyo hirgelinta dioorasho 12 bilood gudahood aanay iila muuqan hiigsi laga dhabeyn karo.
Midda labaad, waxaan u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran uu abuurayo in muddo kordhin aan cayinnayn loo sameeyo dowlad-goboleedyada. Heshiisku waxa uu isku xiray qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada – iyo muddada ay xafiiska joogayaan – iyo qorshe doorasho iyo wakhtiyo aan xaqiiqo ahayn oo lagu qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka. Waxaa ii muuqatay khatar ah in madaxda dowlad-goboleedyada ay ku dambayn doonaan inay xukunka sii hayaan muddo aan xadidnayn, taasoo sii xumeyneyso sharciyadda hooseysa oo ay wajahayeen. Waxaa jirtay khatar ah in muddo kordhinta dowlad-goboleedyada ay horseedi karto muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha federaalka – tallaabadaas oo abuurtay qalalaase siyaasadeed oo weyn markii la isku dayey bishii Abriil 2021.
Midda saddexaad, waxa aan ku dooday in tirada xisbiyada lagusoo koobo labo aanay dalka u fiicnayn una muuqato mid aan xaqiiqo ahayn. Culeys weyn uma arkin tirada xisbiyada lasoo jeediyay, laakiin waxa uu welwelkayga koowaad ahaa in uu heshiiska ka horjoogsanayo muwaadiniinta in ay dhistaan ururro siyaasadeed oo heer dowlad-goboleed ah kuwaasoo diiraddoodu tahay siyaasadda heer dowlad-goboleed. Tusaale ahaan, heshiiska doorashada waxa uu ka hor istaagayaa Xisbiga Kaah, oo ah xisbi siyaasadeed ka dhisan Puntland, inuu u tartamo kuraasta golaha deegaanka ee Puntland, haddii uusan lahayn ajande iyo qorshe qaran. Wax-ka-beddelka dhawaan lagu sameeyay afart cutub ee ugu horreeya dastuurka federaalka ee uu ku jiro cutubka afraad ee doorashooyinka ka hadlaya oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka 30-kii bishii Maarso ee sanadkan, ayaa tirada xisbiyada siyaasadda ka dhigay saddex, balse ma aysan abuurin fursad ay ku dhismi karaan ururro siyaasadeed oo heer dowlad-goboleed ah.
Ugu dambeyntii, waxaan madaxweynaha kula taliyay in aan wax laga beddelin jagada Raysal wasaaraha iyo hannaanka barlamaaniga ah ee dowladda. Waxa aan tilmaamay in Madaxweynuhu aanu kursiga fadhin lahayn haddii aanu Ra’iisal Wasaarihii hore ka hor iman lahayn muddo kordhinta labada sano ah ee uu rabay Madaxweynihii isaga ka horreeyey. Si kale haddii loo dhigo, waxaa jira faa’iidooyin ay leedahay ‘kala qeybinta’ awoodda fulinta maaddaama ay sameyneyso isku-dheellitir baajin karta ku-takri-fal awoodeed, marka la barbar dhigo nidaam leh hal awood oo fulin ah, sida nidaamka madaxweynaha. Marka la eego maqnaanshaha xisbiyo siyaasadeed oo si rasmiga ah u diiwaangashan, Raysul Wasaaruhu wuxuu inta badan door muhiim ah ka qaataa dheeli-tirka awoodda Madaxweynaha, haddii Raysul Wasaaraha uu meesha ka baxana ay keeni karto in dib loogu laabto xukun kalitalisnimo. Wax-ka-beddelka lagu sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreeya dastuurka federaalka ayaa wax yar ka beddelay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna joogteeyay xafiiska Raysul Wasaaraha. Sikastaba ha ahaatee, qaabka cusub ayaa ah in Madaxweynaha la doortay uu soo magacaabo Raysul Wasaare uu xilka ka qaadi karo.
Jawaabta Madaxweynaha
Markii uu hadalka qaatay, Madaxwaynuhu waxa uu diiday inta badan doodahaygii. Qabashada doorashooyinka heer degmo ee Juun 2024, waxa uu ku adkaystay in wakhtiga loo qabtay uu yahay mid lagu qaban karo, islamarkaana ay doorashooyin heer degmo ah ku dhici karaan hal sano gudahood. Waxa jawaabihiisa laga fahmi karay in laga yaabo in doorashada goleyaasha deegaanku aysan ka dhici karin dhammaan gobollada Soomaaliya, balse laga qaban karo degmooyinka ay ka jirto xasilooni siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay xilka Rayul Wasaaraha waxa uu ku dooday in uusan aaminsaneyn in ay jirto halis ah in kali-talis uu yimaado Madaxtooyada maadaama kala qeybsanaanta iyo jilicsanaanta Soomaaliya ay xiligaan u suuragelineynin in nin awood badan leh uu Madaxweyne noqdo. Marka la eego tirada xisbiyada siyaasadda, madaxweynaha ayaa ku celiyay in Soomaaliya aysan u baahnayn xisbiyo badan oo yar yar, loona baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore. Ma uusan ka hadlin sababta uu heshiiska doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran u oggoleyn in la dhiso xisbiyo siyaasadeed oo heer dowlad-goboleed ah.
Maxaa isbeddelay sanad kadib?
Maxaa is beddelay sanad kadib la kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh? Xilliga faalladan la qorayo, oo ah dhammaadka May 2024, lama dhisin guddiga maamulka doorashada. Inkastoo saadaashaydii ay run noqotay, haddana kuma farxayo marka la eego in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso sidii ay horumar uga gaari lahayd in la helo siyaasad dimuqraadi ah oo xasiloon.
Maadaama aan ka shaqeynayay cilmibaarisyo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2015, waxaan fahamsanahay culeyska ay leedahay in la qabto doorashooyin iyadoo ay jiraan kalsooni darro baahsan, heshiiska siyaasadeed uu qabyo yahay, iyo hay’adaha dowladda oo weli curdan ah. Sanad kahor, waxaan arkayay fursad lagu dejin karo khariidad doorasho oo dhab ah, taasoo fulinteeda labo ilaa saddex sano oo shaqo adag ah ku qaadan kartay hay’adaha maareynta doorashooyinka si ay doorasho uga dhacdo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa horraantii 2024 hormuud ka ahaa geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka. Bishii Maarso, baarlamaanka federaalku waxa uu wax-ka-beddel ku sameeyay cutubka ka hadlaya doorashooyinka oo qeexaya tiirarka aasaasiga ah ee lagu maamulayo doorashooyinka Soomaaliya. Laakiin wax-ka-beddelkan waxaa kasoo horjeesaday daneeyayaal siyaasadeed oo muhiim ah oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, raysul wasaarayaal hore, iyo hal dowlad-goboleed. U codeynta baarlamaanka ee wax-ka-beddelka dastuurka ayaa keentay in ay golaha wasiirada Puntland xiriirka u jareen dowladda federaalka. Daneeyayaasha siyaasadeed ee muhiimka ah ayaa kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka ee baarlamaanku ansixiyay. Tani waxay ka dhigan tahay in xitaa haddii shuruucda doorashada sida sharciga xisbiyada siyaasadda, xeerka guddiga maamulaya doorashada, iyo xeerka doorashada ay baarlamaanku wax-ka-beddelaan oo la waafajiyo cutubka afaraad ee dastuurka ee wax-ka-beddelka dhawaan lagu sameeyay, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli diidi kara lagana yaabaa in aanay qeyb ka noqon hannaan doorasho kasta oo la billaabo labada sano ee soo socota.
Waxaa intaa dheer, suurtagalnimada farsamo ee lagu qabanayo doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleedyo iyo heer gole deegaan labo sano gudahood ayaa ah mid aad u adag. Muddo sanado ah ayay Puntland u diyaar-garoobeysay sidii loo qaban lahaa doorashada goleyaasha deegaanka, ilaa maantana degmooyinka qaar – oo ay ku jirto magaalada Garoowe ee ah caasimadda maamulkaas – ayaanay doorashada weli ka dhicin. Xitaa marka uu jiro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan qorshaha doorashada, awoodda farsamo oo ay kamid yihiin diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xisbiyada siyaasadda, wacyigelinta codbixiyayaasha, abaabulka dhaqaalaha doorashada, iyo amniga ayaa u baahan doona wakhti.
Waxaa yaab leh, hadda kama hadleyno hirgelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dalka oo dhan sanadka 2024. Taa beddelkeeda, doodaha la xiriira doorashada ayaa ah wakhtiga ay dhaceyso iyo qaabka ay noqoneyso doorashada madaxda dowlad-goboleedyada. War-murtiyeedkii 17-kii bishan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, ayaanan caddeynin wakhtiga doorashada. Taas beddelkeeda, waxaa warmurtiyeedka laga fahmayay in wakhtiga doorashada ay ku dhawaaqi doonto hay’adda maareynta doorashooyinka, taasoo la sameyn doono marka uu baarlamaanku is waafajiyo xeerka dhismaha guddiga doorashada iyo cutubka afaraad ee dastuurka oo dhawaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay. Hal mid ayaa hadda cad: muddo-kordhin farsamo oo lagu sameeyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanku waa lama huraan. Haddii muddo kordhinta farsamo ay horseedeyso doorashooyin toos ah oo heer degmo ah, iyo doorashooyin toos ah oo heer dowlad-goboleed iyo heer federaal ah, taas lafteedu waxay noqon lahayd mid macquul ah. Sikastaba ha ahaatee, khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada ayaa dalka dib ugu celin kara doorasho dadban.
Iyadoo labo sano ay ka harsan tahay muddada xilka Madaxweynaha, hannaanka doorasho ee dowladda federaalka soo jeedisay, oo ay wakhti badan ku bixisay labadii sano ee lasoo dhaafay, taageero badan kama heysto dhinacyada siyaasadda ee muhiimka ah, oo ay ugu horreeyaan hal dowlad-goboleed iyo siyaasiyiin mucaarad ah. Xitaa haddii soo jeedinta dowladdu ay lahaan lahayd taageero siyaasadeed oo ballaaran, waxay u baahan tahay dhaqaale iyo jawi xasiloon. Haddii uu qof saadaalin karo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya, nasiib darro waxaa muuqata in doorasho dadban oo kale lagu laabanayo sanadka 2026. Waxa kale ee dhici kara ayaa ah muddo kororsi abuura xiisado siyaasadeed. Sikastaba ha ahaatee, weli waxaa jira fursado.
Ka-hortagga xasarado dhici kara
Ugu horreyn, waa in dowladda federaalka ay xoogga saarto sidii ay u xaqiijin lahayd in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay heshiis ku yihiin hannaanka doorashada. Maxay tani ka dhigan tahay? Waxay ka dhigan tahay in dib loo eego qaar kamid ah arrimaha la isku hayo ee ku jira wax-ka-beddelka cutubka afaraad ee dastuurka federaalka. Waayo-aragnimadu waxay ina bareysaa in siyaasad kasta oo u baahan in laga fuliyo Soomaaliya ay u baahan tahay aqbalaad ballaaran. Doorashooyinka dadban ayaa Soomaaliya laga hirgeliyay sababtoo ah daneeyayaasha siyaasadda ayaa heshiis ku ahaa in qaabkan loo qabto doorashada.
Midda labaad, waaqici ma aha in hal hay’ad maareyn doorashadu ay wada qabato doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleedyo, iyo heer gole deegaan. Tani ma aha mid si fudud u hirgeli karta marka la eego siyaasadda Soomaaliya ee hadda. Dowladda federaalku waa in ay tixgeliso kala saaridda doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka. Cutubka afaraad ee wax-ka-beddelka dastuurka lagu sameeyay waxa uu tilmaamayaa in labada doorasho ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal ay hal mar dhici doonaan. Dhowr dowlad-goboleed ayaa lumiyay fursad ay ku qaban lahaayeen doorasho dadban markii uu dhamaaday muddo-xiloodkooda. Sikastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa weli ka shaqeyn karta in doorasho dadban laga qabto dowlad-goboleedyada dhammaadka bisha Nofeembar ee sanadkan iyo sidoo kale qorshe cad ee doorashooyinka federaalka ee 2026, inkastoo tani ay meesha ka saareyso doorashooyinka goleyaasha deegaanka. Iswaafajinta doorashooyinka Soomaaliya waxaa laga yaabaa inay qaadan karto 20 sano.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya caqabado kala duwan, iyadoo ay ka harsan tahay muddo-xileedkiisa labo sano. Caqabadahan qeyb ahaan waxa ay ka dhalanayaan qorshaha doorashada oo aanay hirgelintiisu sahlaneyn, taas oo halis gelinaysa in ay abuurto muddo kororsi iyo qalalaase siyaasadeed, si looga baaqsado doorasho dadban oo mar kale ka dhacda Hanger-ka afar sano kadib. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan fursad ay si toos ah ugusoo dooran karaan madaxdooda, arrinta ugu weyn ee hadda hortaalla madaxweynaha ayaa ah in uu la yimaado hannaan doorasho oo la fulin karo, heshiisna lagu yahay. In uu hakiyo tareenka doorashada, dib-u-milicsado caqabadaha taagan, ee uu dib u hagaajiyo iyo in kale waxay ku xiran tahay Madaxweynaha. Go’aankiisa hadda ayay u badan tahay inuu go’aamin doono jihada siyaasadda Soomaaliya ee sanadaha soo socda.
Mahad Waasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!