Maalidda dowladda Soomaaliya: siyaasadda isbeddel la’aanta

Commentary

Meerto la yaqaanno ayay siyaasadda Soomaaliya ku jirtaa. Hannaan doorashooyin dadban ayaa dhaca afar ilaa shantii sanoba mar. Wajiyo cusub ayaa talada yimaada. Madaxdii maamulkii hore waxay ku biiraan mucaaradka waxayna u halgamaan sidii ay dib ugusoo noqon lahaayeen xukunka. Dadweynuhu waxay leeyihiin rajooyin badan bilowga maamul kasta oo cusub, laakiin himilooyinkaas waxay baaba’aan marka madaxda cusub ay sal dhigtaan xafiisyadooda. “Muwaadiniinta” waxay ogaadaan in aysan waxba iska beddelin noloshooda marka laga reebo in siyaasiyiin xafiisyada dowladda isku beddeleen. Waxaa billaabanaya doorashadii dadbaneyd dadkuna waxay mar kale u hanqal taagayaan hoggaan isbeddel la yimaada. Maamulka yimaada xafiiska inta badan waa uu ku guul darreysanayaa in uu dib-u-habeyn ku sameeyo dowladda Soomaaliya, waxaana uu sii wadayaa hab-dhaqankii kuwii ka horreeyay. Habkani waa waxa ay culimada siyaasaddu ku tilmaameen qabsashada dowladda (state capture).

Waxaan faalladan ku doodayaa in siyaasiyiinta Soomaaliya aysan dan badan ka lahayn dib-u-habeynta dowladda sababtoo ah waxay ku qanacsan yihiin xaaladda hadda ee siyaasadda dalka. Xaaladdan waxay u sahlaysaa inay urursadaan dhaqaale sidoo kalena helaan awood siyaasadeed. Hannaanka doorashada dadban oo suurtageliyay in siyaasiyiinta dhaqaalaha iyo awoodda leh ay xukunka yimaadaan (ama xoogaan), beesha caalamka oo lacag ku taageerta dowladda, iyo isla xisaabtan la’aan ayaa abuurtay dhaqan ay siyaasiyiintu ku maalaan dowladda oo ay ku hodmaan. Xaaladdan waxa ay Soomaaliya ka jirtay dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ama wayba kasii horreysay, dhaqankanna wuu xididdeystay.  

Meertada: dowlad cusub, yoolal sarsare, wejiyo la yaqaan

Kadib afar ilaa shantii sanoba, baarlamaan laftiisa ku yimaada xafiiska doorasho dadban ayaa madaxweyne cusub soo doorta. Doorashooyinkaas dadban waxaa intooda badan loo dhacaa siyaasiyiin katirsan dowladda xukunka heysa iyo kuwo u dhaw madaxda dowlad-goboleedyada. Madaxweynayaasha talada hayay ayaa dhamaantood u tartamay in dib loo doorto, balse ma jirin madaxweyne ku guuleystay in la doorto labo muddo-xileed oo isku xigta.

Bishii May ee sanadkan, doorasho dadban oo daba-dheeraatay ayaa soo saaray madaxweyne cusub, Xasan Sheekh Maxamuud – oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay Sebteembar 2012 iyo Febraayo 2017. Waxa uu isbaheysi la leeyahay siyaasiyiin caan ah oo la yaqaan oo ololihiisa taageeray qeybna ka ahaa. Isagoo ka jawaabaya hadal heynta magaalada ee ahayd in uu baskiisa buuxo – ee uu horey u ballan qaaday xilalka muhiimka ah ee maamulkiisa mustaqbalka haddii uu guuleysto – hadal-jeedintii musharaxnimada Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay inuu ‘wado tareen dheer’ oo aan buuxsameynin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raysal Wasaare u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu madaxweynaha hoggaamiyo. Raysal Wasaaraha ayaa magacaabay gole wasiiro 75 xubnood ah, oo ka kooban raysal wasaare ku xigeen, 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 24 wasiiru dowle. In ka badan kala bar golahan wasiirada ayaa ah xubno ka tirsan baarlamaanka cusub ee federaalka. Ku dhawaad dhammaan xubnaha golaha wasiirada waa siyaasiyiin si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya ee fadhiidka ahayd sanadihii lasoo dhaafay. Marka lasoo koobo, maamulkii hore waxa uu banneeyay xafiisyadii, waxaana beddelay wejiyo la yaqaan oo aan ku guuleysan in ay dib-u-habeyn macno leh sameeyaan wakhtiyadii ay talada hayeen.

Mudnaanta xukuumadda cusub oo muddo afar sano ah heysato waxa aanay wax badan ka duwaneyn mudnaantii dowladihii ka horreeyay – taasoo muujineysa horumarka yar ee ay dowladda federaalka ka sameysay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Dib-u-habeynta laamaha amniga, la dagaallanka al-Shabaab, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, dib-u-heshiisiinta, dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyo dimoqraadiyeynta ayaa ah (mar kale) arrimaha ugu muhiimsan ee mudnaanta u leh dowladda cusub. Xukuumadda cusub ayaa isku magacowday ‘DanQaran’. Xukuumadda waxa ay baarlamaanka u gudbisay barnaamij lix tiir siyaasadeed leh oo kala ah dib-u-xoreynta iyo sugidda amniga; cadaalad iyo garsoor madax bannaan; dib-u-heshiisiinta gudaha; isku filnaansho dhaqaale; horumarinta adeegyada bulshada; iyo xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka caalamka. Sida laga arki karo waxqabadyadii maamulladii hore, waxaa adkaan doonta in dowladda cusub ay ku guuleysato himilooyinkaas sarsare – taasoo la macno ah in madaxweynaha ka dambeyn doono Xasan Skeekh ay u badan tahay in uu la tacaali doono wax ka qabashada arrimahan, oo hal-ku-dheg cusub loo yeelay.

Sababta ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin isbeddel la’aanta

Inkastoo arrimaha mudnaanta u leh dowladda cusub ay muhiim yihiin micnana ay sameynayaan marka ay warqad ku qoran yihiin, haddana siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ku guul-darreystay in ay wax la taaban karo qabtaan. Waxaa jira dhiirigelin la’aan ku aaddan in dib-u-habeyn ballaaran oo dhab ah lagu sameeyo arrimaha muhiimka ah sida shaqo la’aanta baahsan, amni-darrada, iyo caqabadaha joogtada ah ee isusocodka dalka. Waxaa jira saddex sababood oo muujinaya in xaaladda isbeddel la’aanta ay ku jirto danaha siyaasiyiinta – kuwa xukunka haya iyo kuwa sugaya waqtigooda.

Ugu horreyn, siyaasiyiintu waxay dhaqaale ku bixiyaan si loogusoo doorto baarlamaanka ama loogu magacaabo xilal dowladeed. Doorashada xubnaha baarlamaanka federaalka si aad ah ayaa loo badeeceeyay, iyadoo lacag lagu iibsanayo codadka lagu bixiyo heerar kala duwan  lagasoo bilaabo odayaasha soo xulaya ergada doorashada, guddiyada doorashada iyo hoggaanka dowlad goboleedyada. Xildhibaannadan ayaa tan iyo sannadkii 2012-kii wakhtiga doorashada madaxweynaha helayay lacago ay ku iibsanayeen codadkooda. Qaar badan oo kamid ah xildhibaanadan, dhaqaalaha ay ku bixiyaan kuraastooda xilliga doorashada xildhibaannada waxa ay u tahay maalgelin ay soo celiyaan xilliga doorashada madaxweynaha, oo ay kusoo ceshadaan lacagihii ka baxay sidoo kalena ku lehaan lacago dheeraad ah.

Bixinta lacag si loo helo xil dowladeed kuma koobna doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee Soomaaliya. Siyaasiyiin dallaalayaal ah ayaa door ka ciyaara u isticmaalka lacago ama laaluush xilalka la magacaabo. Mararka qaar, dadka doonaya in loo magacaabo xil wasiirnimo ama in ay xubin ka noqdaan guddi gaar ah ayaa si toos ah lacago u siiya shaqsiyaadka masuulka ka ah magacaabistaas ama dadka u dhow. Marar kalena, waxay isticmaalaan dalaal – siyaasiyiin u dhexeeya xil raadiyaha iyo magacaabaha. Magacaabista xafiisyada muhiimka ah oo leh miisaaniyad badan iyo barnaamijyo deeq-bixiyeyaashu maalgelinayaan ama xafiisyada leh dheef badan sida mushaar badan oo ay bixineyso beesha caalamku waxay sidoo kale u nugul yihiin bixinta lacag. Nasiib darrose, waxaa caadi ka noqotay Soomaaliya in la arko shaqsiyaad xilal raadinaya, sababtoo ah waxay ogyihiin in mashaariic deeq-bixiyeyaashu ay maalgeliyaan oo xafiiskaas laga maamulo.

Midda labaad, siyaasiyiinta waa albaabka ay kasoo gasho Soomaaliya deeqaha caalamka. Dowladda federaalka waxa ay Soomaaliya ku meteshaa siyaasadda caalamka. Siyaasiyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ah marinka ay soo maraan deeq bixiyeyaasha doonaya in ay ka howlgalaan Soomaaliya. Haddii aanay iskaashi la sameyn madaxda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ma awoodaan inay si iskood ah u fuliyaan mashaariic. Soomaaliya waxay si aad ah ugu tiirsan tahay kabka miisaaniyadeed iyo taageerada mashaariic ee beesha caalamka; 73.2 boqolkiiba miisaaniyada dowladda federaalka ah ee 2022 ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku imaanaya qaab taageero mashaariic ($485.5 milyan ama 52 boqolkiiba), iyo taageero miisaaniyadeed oo ah 22 boqolkiiba ($209.2 milyan). Nasiib darrose, taageerada maaliyadeed ee caalamka ayaa inta badan dhaafin dowladda, wax yar ayaana gaara shacabkii loogu talagalay. Tani waa mid kamid ah sababaha dakhliga gudaha uu keliya u kordhayo si tartiib tartiib ah – dhiirigelin badan oo lagu kordhinayo dakhliga gudaha ma jirto inta taageerada maaliyadeed ee dibadda ay heli karto dowladda. Dadku sidoo kale waa ka caga jiidayaan inay bixiyaan canshuurta maadaama waxa lagusoo celiyo ay aad u yar yihiin.

Midda saddexaad, waxaa jira horeyna u jiray isla xisaabtan la’aan ka jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Siyaasiyiinta qaar waxay ku takri falaan hantida dowladda iyagoo aan cabsi ka qabin in lala xisaabtamo ama ciqaab sharci. Hannaanka awood-qeybsiga ee 4.5 iyo magacaabista iyo shaqaaleysiinta ku saleysan qabiilka ayaa lagu dabaqaa ku dhawaad dhammaan xafiisyada dowladda. Tani waxay si weyn u wiiqaysaa isla xisaabtanka Soomaaliya. Baaritaanno madax bannaan oo ku saabsan sida loogu takri falay hantida dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in lagula xisaabtamo masuuliyiinta dowladda ayaa ah kuwo aan guuleysan, sababtoo ah qof kasta oo dowladda ka tirsan wuxuu matalaa qabiil. Waxaa hay’adaha qabiilka ku saleysan kamid ah xubnaha guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa. Intaa waxaa dheer, bulshada rayidka ma abaabulna umana diyaarsana in ay la xisaabtamaan dowladda. Shacabka ma doortaan madaxdooda, inta badanna ma helaan xogo badan oo ku aaddan heshiisyada daaha gadaashiisa ah ee siyaasadda Soomaaliya caanka ku tahay. Sidaas darteed, isla xisaabtanka ma jiro.

Hab-dhaqannadan siyaasadda la lacageeyay ee Soomaaliya ka jirta ayaa ka gudubsan aragtiyada qabiil iyo kuwa siyaasadeed. Waxaa dhaqaajiya cod-iibsiga, naaxinta shakhsiga, siyaasad badeeco oo kale ah, iyo faa’ido. Siyaasaddan lacagta ku saleysan waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay hadallada qarannimada la xiriira ee siyaasiyiinta qaar u yihiin kuwo dano gaar ah ku saleysan oo aanay run u ahayn.

Saddexdan xaaladood ayaa tilmaamaya xaqiiqda ah in siyaasiyiinta Soomaaliya ay ku qanacsan yihiin kana faa’idayaan xaaladda isbeddel la’aanta ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxay xukunka ku yimaadaan ‘doorasho’ dadban, waa albaabka uu dalka kasoo galo taageerada dhaqaale ee caalamka, mana jiraan hay’ado la xisaabtama. Tani waa sababta dad yar ee Soomaaliya ku nool ay hodan u yihiin iyadoo inta badan dadka ay matalaan ay la il-daran yihiin oo ay u dhintaan harraad iyo gaajo.

Bedelidda xaaladda isbeddel la’aanta

Yaa, haddaba, ay dan ugu jirtaa in wax laga beddelo xaaladda? Siyaasiyiinta talada dalka haya waxa ay cunayaan doolshadooda (hashii Maandeeq ayay maalayaan), halka siyaasiyiinta kale ay dibadda ka qeylinayaan, iyagoo doonaya inay helaan fursaddooda. Siyaasad ku saleysan mabaadii’i iyo akhlaaq kuma jirto qaamuuska siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxa loo baahan yahay in wax laga beddelo xaaladdan si dowladnimada looga faa’ideeyo bulshada Soomaalida. Balse, waxaa jira dad badan oo ka naaxay xaaladda hadda jirta.

Markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii, abwaan Soomaaliyeed – Cabdullaahi Qarshe – ayaa curiyey gabay ay ku jirtay oraahdii caanka ahayd ee ahayd ‘aan maalno hasheenna Maandeeq’. Waxa uu abwaanka ula jeeday in Soomaalidu ay ugu dambeyntii heleen xorriyad ay arrimahooda ku maamulaan. Abwaanku malaha waxa uu seegay fursad uu isla gabaygaa ugu sheego Soomaalida in ay ‘marka hore Maandeeq quudiyaan, kadibna maalaan’. Tan iyo markii xornimada la qaatay, siyaasiyiintii talada dalka qabatay waxay intooda badan maalayeen dowladda. Waa yar yihiin siyaasiyiinta ku fikira quudinta dowladda iyagoo ka shaqaynaya danta guud iyo bixinta adeegyada bulshada ee aasaasiga ah. Taa beddelkeeda, inta badan siyaasiyiinta waxa ay rabaan in ay ‘maalaan’ dowladda. Beesha Caalamku waxay u suurtagelinaysaa siyaasiyiinta Soomaalida in ay maalaan Soomaaliya iyagoo dhaqaale ku bixiya nidaam-yada iyo hay’adaha dowladda, oo ay shakhsiyaad ku tagri falaan una isticmaalaan danohooda gaarka ah.

Beddelka xaaladda siyaasadda waxay u baahan doontaa hannaan dib-u-habeyn dhammeystiran. Marka koowaad, codadka muwaadiniinta waa in la xoojiyo. Dadaalka lagu xoojinayo in muwaadiniinta ay si toos ah u doortaan xubnaha ku metela dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in mudnaanta la siiyaa. Tani waa inay ka billaabato doorashada tooska ah ee ka dhacda goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho. Doorashooyinkan waa inay ka turjumaan dalabka iyo cadaadiska muwaadiniinta halkii ay ka ahaan lahaayeen doorashooyin ay tosheen iskuna aaddisteen siyaasiyiinta talada heysa si cidda ay doonayaan ugusoo baxdo. Marka ay taasi dhacdo keliya ayay muwaadiniinta si dhab ah ula xisaabtami karaan masuuliyiinta ay doorteen. Marka labaad, muwaadiniintu waxay u baahan yihiin inay beddelaan fikradahooda qabiilka ku saleysam ee ku aaddan siyaasiyiinta. Matalaad qabiilka darteed, Soomaali badan ayaanan ka caban marka ay xubno katirsan qabiilkooda maalayaan dowladnimada. Marka saddexaad, in la dhiso garsoor madax-bannaan (oo hadda kamid ah arrimaha mudnaanta u leh xukuumadda cusub) iyo shaqaaleysiinta  aqoonta iyo tartanka furan ku saleysan ee shaqaalaha rayidka (oo ay ku jiraan Agaasimayaasha Guud) ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba waa in ay tiir muhiim ah u noqdaan dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo taageerada beesha caalamka maadaana ay tani noqon karto tillaabo loo qaadayo ka gudbidda metelaadda qabiilka ee hay’adaha dowladda oo dhan.

Mahad Waasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Recent Posts

Follow Us