Madaxweyne cusub, dhibaatooyin la yaqaan: Xasan Sheekh Maxamuud wax ma ku qaban doonaa fursaddiisa labaad?

Commentary

15-kii May, doorasho si weyn loogu loolamay ayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu doorteen Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Wareegii 3-aad ee doorashada ayuu helay saddex meelood labo meel codadkii la dhiibtay, waxaana uu ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey Xasan Sheekh kaga adkaaday doorashadii 2017. Waa markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya ee madaxweyne hore dib loo doorto. Waxa ay soo gabagabeysay dib-u-dhac iyo khilaaf joogto ah oo ka jiray hannaanka doorashada baarlamaanka iyo fulinta dalka oo soo jiitamayay muddo sanad ka badan. Faalladan waxa ay qiimeynaysaa waxyaabaha sahlay in uu Xasan Sheekh guuleysto, iyo waxa laga filayo inuu ka qabto dhibaatooyin badan oo ka jira dalka, waxa uu qoraaga ku doodayaa in madaxweynaha cusub looga baahan yahay inuu arrimaha muhiimka ah wax ka qabto oo aanu ku mashquulin dib-u-doorashadiisa marxaladda doorasho ee xigta.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dowladda federaalka waxay dardargelisay geeddi-socodka deyn cafinta iyo dib-u-habeynta laamaha amniga taasoo keentay diiwaan-gelin biometerig ah oo loo sameeyo ciidamada iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda si joogto ah. Sikastaba ha ahaatee, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sanadkii u dambeeyay khilaaf u dhexeeyay, inkastoo sharciga doorashada la ansixiyay, haddana weli ma dhicin doorasho qof iyo cod ah. Farmaajo ayaa xilka ka tagay isagoo ay la dhacsan yihiin qeybo badan oo bulshada kamid ah, waxaana laga yaabaa inuu fursad dib-u-doorasho heli lahaa haddii shacabka ay awood u yeelan lahaayeen inay u codeeyaan madaxweynaha (inkastoo sida dastuurku qabo, shacabku ay dooran karaan keliya xildhibaannada baarlamaanka oo iyaga doorta madaxweynaha). Madaxweynaha beddelay ee Xasan Sheekh ma ahayn musharaxa ugu taageerada badan dhanka shacabka, balse waxaa u sahlay sababtoo ah madaxweynihii isaga ka horreeyay ayaa goonni u socod ka ahaa inta badan siyaasiyiinta.

Xasan Sheekh ayaa la wareegaya hoggaanka dal ay ka jiraan caqabado waaweyn. Waxaa caqabadahaas kamid ah xaalad amni oo aan xasilloonayn, habacsanaan ka dhex jirta ciidamada amniga, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo xumaaday, xasillooni darro dhaqaale, iyo ku tiirsanaanta deeqaha dalalka dibadda. Arrimahan waxa sidoo kale saameyn ku leh siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika, marka la eego dagaalka sokeeye ee ka socda Itoobiya, iyo dowladaha dibadda oo ku hardamaya saameyntooda gobolka. Xasan Sheekh wax-qabad ma la iman karaa muddo-xileedkiisa labaad? Mise waxaa cuuryaamin doonaa dhibaatooyin la mid ah kuwii madaxweynihii ka horreyay iyo isaga laftiisu wajaheen muddadii uu xilka hayay?

Xasan Sheekh waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii. Xasan Sheekh waxa uu caan ku ahaa in uu ahaa u dhaq-dhaqaaqe bulshada rayidka, cilmibaare, iyo macallin ka hor inta aan loo dooran madaxweyne bishii Sebteembar 2012. Waxaa loo arkaa in inuu yahay hoggaamiye dadka iskusoo dumo oo taageera dimuqraadiyadda. Waxaa suuragal ah inuu ka shaqeeyo in loo dhawaado in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya, maadaama labadii doorasho ee hore ay ahaayeen kuwo dadban, oo ay ku lug lahaayeen odayaasha beelaha iyo ergo dooraneysay xildhibaanada oo iyaguna soo doortay madaxweynayaasha.

Markii aan la kulmay sanadkii 2019, wuxuu ka hadlay sida uu u arkayay doorka odayaasha beelaha ee siyaasadda Soomaaliya iyo in dowlad goboleedyada ay beddeli karaan gobolladii jiray kahor 1991. Xasan Sheekh oo shantii sano ee u dambeysay xafiiska ka maqnaa ayaa waxaa u suuragashay in uu joogteeyo taageerada inta badan saaxiibadiisa siyaasadda, kuwaasoo intooda badan siyaasadda kusoo biiray markii uu xukunka qabtay sannadkii 2012. Sidoo kale xubno kale oo muhiim ah ayaa ku biiray Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu uu hogaamiyo.

Xasan Sheekh ayaa wax-qabad wanaagsan sameeyay bilooyinkii hore ee muddo xileedkiisii hore ee madaxtinimada isagoo nadiifiyay isbaarooyin badan oo sharci darro ahaa oo Muqdisho yaallay. Muddadii uu xilka hayay, waxaa la dhisay afar dowlad-goboleed oo cusub oo ka tirsan Dowladda Federaalka (Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle). Waxa uu ku guuleystay in uu xiriir wada-shaqeyn la sameeyo madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb qaatay doorashadii dadbaneyd ee 2016-ka isagoo sameeyay Madasha Hoggaanka Qaran. Dib-u-habeynta laamaha amniga ayaa la billaabay intii uu xilka hayay, iyadoo dib-u-habeyn lagu sameeyay maaliyadda ay dhabaha u xaareysay geeddi-socodkii deyn cafinta ee ay dowladdii Farmaajo ee ka dambeysay sii waday kuna heshay bogaadin badan. Weerarkii ugu dambeeyay ee AMISOM iyo ciidamada dowladda ku doonayeen in ay al-Shabaab kaga qabsadaan dhul badan ayaa la qaaday intii uu xilka hayay sanadkii 2014-kii.

Sikastaba ha ahaatee, dowladdii Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Ciidamada ayaa bilaha qaar noqon jiray mushaar la’aan. Dhismaha maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa ahaa mid habacsan, waxaana la dhisay kahor inta aan la gaarin heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan sida uu u shaqeynayo federaalka Soomaaliya. Horumar xaddidan ayaa laga gaaray geeddi-socodkii dib-u-eegista dastuurka, waxaana meesha laga saaray doorashooyin qof iyo cod ah oo muddo la sugayay, iyadoo la qabtay doorasho dadban. Waxaa intaa dheer, khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jiray xukuumaddiisa ayaa sababay in 3 ra’iisul wasaare la magacaabo intii uu xilka hayay.

Maadaama uu dib u qabanayo xilka Madaxweynaha, Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa caqabado badan oo ay qaarkood sii xumaadeen 5-tii sano ee uu Farmaajo talada hayay. Ugu horrayn, al-Shabaab waxa ay weli Soomaaliya ku hayaan caqabad weyn oo xagga ammaanka ah. Waxay canshuur ka uruuriyaan magaalooyinka ay dowladdu maamusho, waxa ay weeraraan xarumaha dowladda, waxayna bixiyaan adeegyada dowladda inkastoo 15-kii sano ee lasoo dhaafay caalamku taageerayeen barnaamijyo kahortagga xagjirka ah. Hay’adaha ammaanku waxay sidoo kale u baahan yihiin dib-u-habeyn dheeri ah. Tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Ra’iisal Wasaaraha uu magacaabay ayaan wax wada shaqeyn ah la laheyn taliyeyaasha ciidamada oo la saftay Madaxweynaha.

Midda labaad, hay’adaha dowladdu waxay weli si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka caalamiga ah. Dakhliga dowladda ee gudahu aad buu u xaddidan yahay. Waxaa intaa dheer, la’aanta hannaan maaliyadeed ee federaal oo heshiis lagu yahay iyadoo kala caddeynta awoodaha heerarka dowladda oo aan caddeyn ay ka dhashaan loollan awoodeed oo soo noqnoqda oo u dhexeeya Muqdisho iyo dowlad goboleedyada. Xiisaddii Khaliijka ee 2017 iyo aragti kala duwanaanshaha dowladda dederaalka iyo dowlad goboleedyada ee xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa sidoo kale gacan ka geystay inuu xumaado xiriirka labada heer ee dowladeed.

Midda saddexaad, dalalka ay Soomaaliya isbaheysiga la leedahay wuu isbedelay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay iyadoo madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay galeen heshiis saddex geesood ah. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya (iyo ilaa xad Jabuuti) wuu xumaaday. Xiriirka dhow ee maamulkii hore iyo dowladda Qatar ayaa saameyn taban ku yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay Imaaraadka iyo Sacuudiga. In xiriir diblumaasiyadeed lala yeesho dalalka deriska ah iyo kuwa kale waxay uga baahan tahay mudnaan dowladda Xasan Sheekh.

Inkastoo dastuurka federaalka kumeelgaarka ah aanu ku qeexnayn muddo xileedka ama da’da madaxweynaha xilka haya, in uu madaxweynaha cusub raadiyo dib-u-doorasho afar sanno kadib iyo in kale waxa ay go’aamin kartaa sida uu uga gudbi karo caqabadaha horyaalla iyo in uu qabto shaqo la taaban karo. Marka la eego doorashada xigta ee 2026/27, Xasan Sheekh wuxuu noqon doonaa 71 sano jir. In hadda uu qaato go’aan adag oo ah in aanu dib-u-doorasho raadin doonin waxa ay ka dhigi kartaa madaxweyne ka duwan madaxweynayaashii hore. Tani waxay ka caawin kartaa inuu diiradda saaro ajendayaasha siyaasadeed ee muhiimka ah iyo horumarinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo aan laga shakin doonin ujeedooyin awood-raadin qarsoon. Tanina waxay Soomaaliya uga tagi kartaa dhaxal waara.

Madaxweynaha cusub wuxuu leeyahay khibrad hore oo ku filan. Uma baahna muddada la qabsiga oo ay maraan madaxweynayaasha cusub. Sanadkii 2019, Xasan Sheekh wuxuu u sheegay cilmibaarayaal la kulmay inuu u baahan yahay hal muddo xileed keliya. Hadii uu ku adkeysto go’aankaas, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameyn kartaa horumar la taaban karo afarta sano ee soo socota. Waxyaabaha caqabadda ku noqda horumarka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah in madaxweynaha xilka haya uu dareemo in xilka afarta sano ah aanu ku filneyn, islamarkaana uu waqti iyo dhaqaale badan ku bixiyo (gaar ahaan labada sano ee ugu dambeysa) in dib loo doorto (ama muddo kororsi). Damacooda doorashadu wuxuu inta badan ka jeediyaa diiradda mudnaanta qaranka wuxuuna u weeciyaa la wareegidda hannaanka doorashada iyo beddelidda hoggaanka dowlad goboleedyada si naqshadda doorashada iyo hay’adaha maamulaya ay u abuuraan dib-u-doorashada madaxweynaha xilka haya. Sikastaba ha ahaatee, habkaas waxaa mar kasta ku fashilmay madaxweynayaasha xilka hayay (ee uu ku jiro Xasan Sheekh 2016-17).

Haddii uu si cad u go’aansado wakhti hore in aanu iskusoo sharixi doonin dib-u-doorasho, waxa laga yaabaa in uu awood u yeesho in uu wax badan qabto afarta sano ee soo socota. Labo jeer ayuu fursad u helay in loo doorto xilka ugu sarreeya dalka; tani horey uma dhicin. Waa in uu ka faa’ideysto fursadda ee uu wax ka barto khaladaadkii hore. Haddii uu xoogga saaro hankiisa dib-u-doorasho, gaar ahaan labada sano ee dambe ee xil-heyntiisa, waxa laga yaaba in aynu aragno khilaafyo iyo dib-u-dhacyo la xiriira hannaanka doorashada, waxaana suuragal ah in aan aragno Soomaalida oo u dabbaaldegaysa guul-darradiisa iyo bixitaankiisii ugu dambeeyay doorashada madaxweyne ee 2026/27. Nasiib wacan ayaan u rajeynayaa.

Mahad Waasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Recent Posts

Follow Us