Somali Public Agenda
May 24, 2025
Commentary
Somali Public Agenda
May 24, 2025
Saddex sano ka hor, 15 May 2022, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxay ahayd markii labaad ee uu Madaxweyne noqdo — waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynaha dalka Sebteembar 2012 ilaa Febraayo 2017. Soo laabashadiisa ayaa loo arkayay in ay ahayd ifafaalo wanaagsan. Waxa loo arkayey in uu yahay madaxweyne waayo arag ah oo wax badan ka kororsaday shantii sano ee uu xilka hayey iyo shan sano ee uu mucaarad ahaa, waxaana loo badinayay in uu casharro ka bartay khaladaadkii ka dhacay muddo xilleedkiisii hore. Sidoo kale, waxa uu u muuqday siyaasi raba in uu ka tago dhaxal waara. Sikastaba ha ahaatee, waxa uu wajahay caqabado ay ka mid yihiin khatarta al-Shabaab, ku tiirsanaanta ballaaran ee deeq-bixiyayaasha ee kabka miisaaniyadda dowladda, siyaasad aan xasilooneyn iyo danaha iskasoo horjeeda ee dalalka shisheeye ee ku hardamaya in ay saameyn ku yeeshaan dalka, iyo arrimo kale oo badan. Intii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxweynaha, Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday in uu mudnaan siin doono dib-u-habeynta, oo ay ku jiraan dhameystirka dastuurka, dib-u-heshiisiinta gudaha iyo dibadda, isagoo hal-ku-dhig ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” iyo maamul dimuqraadi ah.
Maadaama uu maamulkiisu galayo sanadkiisii ugu dambeeyay, su’aasha ugu muhiimsani ayaa ah: horumar intee la eg ayaa la sameeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay, maxayse Madaxweynaha iyo maamulkiisu qaban karaan ka hor 15-ka May 2026? Faalladan waxay qiimeyneysaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo diiradda saareysa guulihii la gaaray, dib-u-dhacyadii iyo caqabadihii la wajahay, iyo arrimaha mudnaanta la siin karo sanadka haray.
Guulaha
Magacaabista Raysal Wasaare, Gole Wasiiro iyo ergayo gaar ah ayaa diiradda la saaray dhowrkii bilood ee ugu horreysay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh. Guulaha ayaa billowday dabayaaqadii 2022, markii dowladdu ay taageertay ciidamada deegaanka ee Macawiisley ee gobolka Hiiraan oo dagaal kula jiray al-Shabaab. Dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ayaa sii socday sanadkii 2023. Madaxweynaha ayaa dhowr bil ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, si uu u abaabulo howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, waxaana dowladdu u suurtagashay in ay ka qabsato magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal iyo Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe iyo Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug iyo Galcad iyo Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Dagaalka waxaa barbar socday dadaallada lagu doonayo in lagusoo gunaanado howlgalka Midowga Afrika ee Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo la wareegidda xarumaha ay ka howlgalaan. Tani uma dhicin sidii loo qorsheynayay. Taa beddelkeeda, ATMIS ayaa markii dambe loo beddelay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyadoo markii hore si weyn loo dhimay tirada ciidamada. Sikastaba ha ahaatee, shirkii ugu dambeeyay ee wadamada ciidamada ku deeqay ee lagu qabtay Kampala bishii Abriil 2025 ayaa lagu taliyay in lagu kordhiyo 8,000 oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladda adag ee amni ee ka jirta Soomaaliya.
Arrin kale oo gudaha ah oo qeyb ahaan lagu tilmaami karo guul ayaa ah shirarka joogtada ah ee xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran iyo heshiisyada siyaasadeed ee arrimaha siyaasadda ee lagu muransan yahay oo ay kamid yihiin asteynta awoodaha fulinta, nidaamka garsoorka, federaaleynta maaliyadda, qaab-dhismeedka amniga qaranka, iyo doorashooyinka. La’aanta heshiisyadan siyaasadeed waxay ahaayeen caqabad hortaalla hay’adaha dib-u-eegista dastuurka – Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyo Guddiga La-socodka Baarlamaanka (OC) – si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan una dhamaystiraan dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah. Waxay sidoo kale muhiim u ahaayeen dadaallada lagu qabanayo doorashooyin toos ah. Sikastaba ha ahaatee, geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka iyo dadaallada ku wajahan dimuqraadiyeynta ayaa ah shaqooyin socda, waxa ayna wajaheen caqabado siyaasadeed oo waaweyn.
Dibadda, dowlada federaalka waxay gaartay guullo dhowr ah, inta badan 2023-kii iyo 2024-kii. Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) bishii Nofeembar 2023-kii, iyadoo ay Soomaaliya noqotay dalka siddeedaad. Waxaa xusid mudan in 31 sano kadib, 1-dii Diseembar 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka ka qaaday Soomaaliya. Dowladu waxay sidoo kale 13-kii Diseembar 2023 soo gabagabaysay geeddi-socodka deyn cafinta iyada oo loo maray hindisaha Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) waxaana u suurtagashay in $4.5 bilyan oo deyn ah Soomaaliya laga cafiyo. Soomaaliya waxa ay sidoo kale ku guulaysatay in 2025-2026 ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) kadib 54 sano oo ay ka maqnayd.
Caqabadaha
Inkastoo qaar ka mid ah dadaalladaan (sida geeddi-socodka deyn cafinta iyo kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay) ay billaabeen dowladihii hore, guulaha noocan oo kale ah ee dibadda laga gaaray ayaa ahaa kuwa naadir ku ah taariikhda dhow ee Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jiray dib u dhacyo & dhaliilo gudaha ah.
Ugu horreyn, dagaalkii ay dowladda ku qaadday al-Shabaab waxaa dhaawacay jabkii kasoo gaaray Cowsweyne dhamaadkii Ogoosto 2023-kii. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dib-u-dhac weyn kala kulmay Cowsweyne kadib markii al-Shabaab ay subax aroor ah weerar abaabulan ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada, iyagoo adeegsanayey baabuur qaraxyo is-miidaamin ah ee uu xigtay weerar. Askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku naf waayay weerarkan, dagaalka dowladduna wuu is beddelay weeerarkan kadib. Balse dagaalka ayaa ahaa mid joogsaday xitaa ka hor Cowsweyne. Cowsweyn waxay qeyb ahaan ahayd dib-u-dhac sababtoo ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay la kulmeen caqabado la xiriira saadka, isku dubaridka ciidamo cusub oo tababaran, iyo niyad-jab gaar ahaan Gorgor iyo Danab kadib markii Galcad oo lagu dilay Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Tuurre). Waxaa sidoo kale isbeddel ku yimid jadwalka bixitaanka ATMIS ee la qorsheeyay.
Markii Raysal Wasaaraha Itoobiya uu 1-dii Janaayo 2024 is-afgarad muran badan dhaliyay la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland, dowladda federaalku waxay diiradda ka weecisay dagaalkii al-Shabaab, waxayna Itoobiya la gashay dagaal diblomaasiyadeed, kaasoo socday muddo sanad ku dhow. Is-afgaradku keliya diiradda kama weecin dowladda federaalka, waxa uu sidoo kale fursad u abuuray al-Shabaab oo billaabay in ay qortaan dagaalyahanno cusub si ay ula dagaalamaan Itoobiya. Dib-u-dhicii Cowsweyne, jahwareerkii uu keenay Is-afgaradkii, iyo dowladda federaalka oo galeysa sanadkeedii ugu dambeeyay waxay qeyb ka qaateen weerarrada cusub ee al-Shabaab ee horraantii 2025 iyo dib-u-qabsashada deegaannadii iyo magaalooyinka ay dowladdu kala wareegtay 2022-kii iyo 2023-kii. Tani waxay tusaale u tahay xaaladda ah ‘hal tallaabo horay u qaad, hal tallaabana gadaal u qaad’ oo marar badan loo adeegsado in lagu tilmaamo horumarka amni ee Soomaaliya.
Midda labaad, heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha siyaasadeed ee lagu muransan yahay ayaa horseeday khilaaf u dhexeeya dowlada federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Heshiisyadii siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa asteynta awoodaha iyo nidaamka garsoorka ee dhacay Diseembar 2022 ayaa khilaaf ka dhex abuuray madaxda dowladda federaalka iyo Madaxweynaha Puntland oo u arkayay in heshiiskaasi uu yahay mid awoodaha fulinta iyo garsoorka ku uruurinaya dowladda federaalka. Markii uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe, maamulka Puntland ayaa soo saaray warqad ku saabsan mowqifkooda laguna dhaliilayo heshiisyada siyaasadeed iyo in ay yihiin dadaallo lagu doonayo in awoodaha hal meel la isugu uruuriyo. Ku dhowaad labo sano iyo bar, Madaxweynaha Puntland kama qeyb gelin shirarka Golaha Wadatashiga Qaran, mana uusan saxiixin heshiisyadii siyaasadeed. Markii uu baarlamaanka federaalka u codeeyey in wax laga beddelo afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka 30-kii Maarso 2024, Puntland waxay xiriirka u jartay dowladda federaalka, waxayna sheegtay in ay aqoonsan tahay kaliya Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ee 2012.
Midda saddexaad, heshiiskii siyaasadeed ee 27-kii May 2023 ee doorashooyinka ayaa abuuray caqabad kale oo siyaasadeed. Heshiisku waxa uu soo jeediyay labo xisbi siyaasadeed, saddex nooc doorasho ee goleyaasha deegaanka, doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha & madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedyada, maamul doorasho mideysan, iyo madaxweyne federaal oo ay shacabku dooranayaan. Heshiisku wuxuu saldhig u noqday dib-u-eegista dastuurka. Heshiiska waxaa laga diyaariyay cutubka afaraad ee afarta cutub ee dastuurka ee wax laga beddelay. Sikastaba ha ahaatee, wax-ka-bedelka lagu sameeyay heshiiskii 27 May 2023 waxaa kamid ah in madaxweyne ku xigeenkii lagu beddelay raysal wasaare uu madaxweynaha xilka ka qaadi karo iyadoo aan loo baahan baarlamaanka, saddex xisbi qaran halkii uu labo ka ahaa. Ansixinta baarlamaanka ee isbeddelka ayaa horseeday in la diyaariyo lana ansixiyo saddexda sharci doorasho iyo in la dhiso Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Iyadoo Puntland ay weli ku maqan tahay wax-ka-beddelka dastuurka bannaankana ka joogtay hannaanka doorashada oo ay dowladda federaalku hoggaamineyo, Madaxweynaha Jubaland ayaa ka baxay Golaha Wadatashiga Qaran wuxuuna sameeyay doorasho dowlad-goboleed oo hal dhinac ah oo ka dhacday Kismaayo bishii Nofeembar 2024, taas oo ay dowladda federaalku ka hortimid. Dowladda federaalka waxay ku doodday inay doonayso doorashooyin la is waafajiyay oo ka bilowda doorashooyinka goleyaasha deegaanka, ayna ku xigayaan doorashooyin toos ah oo heer dowlad-goboleed ah ka dibna ay xigeyso doorashooyin qaran. Madaxweynaha Jubaland ayaa door biday in uu ugu horreyn muddo xileed cusub helo maadaama dadaallada socda oo ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka aanay hirgeli karin kahor inta aanu dhammaan muddo xileedkiisa.
Inkastoo madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay diiddan yihiin hannaanka doorashada, haddana dowladda federaalka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Muqdisho ka billaabay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxayna qorsheynayaan in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha la gaarsiiyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo in la qabto doorashada goleyaasha deegaanka. Marka lagasoo tago labada Madaxweyne dowlad-goboleed, siyaasiyiin muhiim ah oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore iyo Raysul Wasaarayaal hore ayaa ka soo horjeeda hannaanka doorashada oo ay dowladda federaalku hogaamineyso.
Iyadoo ay hal sano u harsan tahay, dowladda federaalka waxa ay la loollameysaa waqtiga. Saddex sano kadib, hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka — oo ah labada ugu muhiimsan mudnaanta dowladda federaalka tan iyo markii ay xukunka timid—ayaa qabyo ah. Maxay dhab ahaan qaban kartaa dowladda federaalka sanadka u haray?
Mudnaanta Sanadka Haray
Dowladda federaalka waxa ay u baahan tahay in ay marka hore aqbasho in qorshaha doorasho ee qof iyo cod ee hadda socda aan si dhab ah loogu hirgelin karin muddo hal sano ah, iyadoo ay ugu wacan tahay in kaabayaasha doorashada ay heer bilow ah marayaan iyo jiritaan la’aanta heshiis siyaasadeed ee ku filan qabashada doorashooyinkaas. Dowladda federaalka waxay mudnaanta siin kartaa amniga, hagaajinta xiriirka dowlad-goboleedyada, iyo in heshiis laga gaaro kalaguurka siyaasadeed.
Ugu horreyn, madaxda dowladda federaalka waa in ay sugaan amniga. Tani waxay u baahan tahay dib-u-habeyn amni oo ka hortagi kara in ay al-Shabaab qabsadaan deegaanno hor leh, waxayna sidoo kale yareyneysaa saameynta hubanti la’aanta ka jirta tirada iyo muddada AUSSOM. Taas beddelkeeda, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu taageeri karaa kordhinta dhaqaalaha ku baxa AUSSOM. Iyadoo dadaallada amni ay sii soconayaan, wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed ayaa xoojin karta dagaalka ka dhanka ah AS. Madaxweynuhu waxa uu ka faa’iidaysan karaa gogosha uu dhawaan ku dhawaaqay si loo hubiyo in dhinacyada ay khusayso ka doodaan ayna ka heshiiyaan marxaladda kala-guurka.
Midda labaad, waa in madaxda dowladda federaalka ay la fariistaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ay ka heshiiyaan khilaafkooda. Iyadoo uu soo dhawaanayo wakhtigii doorashada, dowlad-goboleedyadan ayaa muhiim u ah doorashada 99 xubnood (qiyaastii saddex meelood hal meel) xubnaha baarlamaanka federaalka ah (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare)—inkastoo SSC-Khaatumo oo dhawaan la aqoonsaday ay u badan tahay inay noqoto deegaan doorasho lagu soo doorto kuraas markii hore Garoowe lagu dooran jiray. In la aqoonsado Madaxweynaha Jubaland waxay horseedi kartaa in laga tago hannaanka doorasho ee hadda socda, waxayna gogol xaareysaa qabanqaabinta doorasho dadban ee dowlad-goboleedyada kale. Tani waxay masuuliyiinta xilka haya u oggolaanaysaa in ay dib u cusbooneysiiyaan muddo xileedkooda ama ay fagaaraha u baneeyaan siyaasiyiin kale oo markaas awood u yeelan doona inay door ka ciyaaraan doorashooyinka federaalka.
Midda saddexaad, iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran, waa in ay dowladda federaalka la xiriirtaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo bulshada rayidka ah si ay si wadajir ah ugu sahmiyaan nooca doorashada baarlamaanka federaalka. Iyadoo doorashooyinka qof & codka ah ee dhammaan heerarka dowladeed – heer degmo, heer gobol iyo heer federaal – ay u muuqdaan kuwo aan suurtagal ahayn in lagu dhammeeyo hal sano, haddana inta badan daneeyayaasha siyaasadda waxay sidoo kale qabaan in dib ugu laabashada doorashooyinkii dadbanaa ee 2021-22 aysan ahayn mid la doorbidayo. Sidaas darteed, sahminta nooc doorasho hagaagsan waxay u baahan doontaa xikmadda iyo aragtiyada daneeyayaal badan.
In goor hore la caddeeyo qorshaha doorashada heer federaal waxay Soomaaliya ka badbaadin doontaa in ay dib usoo laabataan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 2021 ee la xiriiray doorashooyinkii. In laga fogaado in xaaladdaas soo noqoto – marka la eego xaaladda amni ee Soomaaliya – waa in ay noqotaa mid mudnaan u ah dhammaan jileyaasha dowladda.
Mahad Waasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!