U Daadajinta Adeegga Caafimaadka Aasaasiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir: Guulaha iyo Caqabadaha 

Commentary

Halbeegyada heerka caafimaad ee Soomaaliya waxay muddo dheer ahaayeen meesha ugu hoosaysa liiska dalalka dakhligoodu hooseeyo. Halbeeggan hooseeya waxa uu ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee bishii Janaayo 1991 iyo dagaalladii sokeeye ee xigay. Qaar kamid ah dhibaatooyinka caafimaad ee sii xumeynaya nidaamka daryeelka caafimaad ee dalka waxaa kamid ah dhaqaale xumo, abaaro soo noqnoqda, macluul, iyo saboolnimo. Caqabad kale ee uu nidaamka daryeelka caafimaadka wajahayo waa maqnaanshaha hay’ad sharciyeed oo xooggan ee soo dhoofinta iyo isticmaalka daawooyinka.

Sababo la xiriira adeegyada caafimaad ee Soomaaliya oo aan dadka ku filneyn iyo yaraanta aqoonta, xirfadaha iyo agabka howlwadeennada caafimaadka awgood, cudurrada laga hortagi karo iyo cudurrada guud ayaa ah sababaha ugu badan ee dhimashada carruurta. Inkastoo ay jiraan dagaallo hubaysan, amni-darro, iyo tirada dhimashada hooyada aadka u sarreysa ee dalka, miisaaniyad yar ayaa loo qoondeeyay caafimaadka marka la eego miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya ee 2022 ee la ansixiyay 30-kii Juun ee sanadkan. Intaa waxaa dheer, in badan oo kamid ah miisaaniyadda caafimaadka ayay deeq-bixiyeyaal bixinayaan waxaana yar maalgelinta tooska ah oo ka imaaneysa dakhliga gudaha ee dowladda federaalka.

Somali Public Agenda (SPA) ayaa madal ku saabsan baahinta adeegyada caafimaadka bulshada ee gobolka Banaadir qabatay 28-dii Luulyo 2022. Dooddan ayaa kusoo beegantay sanad iyo bar kadib markii adeegyada caafimaadka aasaasiga ah loo daadajiyey Maamulka Gobolka Banaadir. Saamiley muhiim ah ayaa kasoo qeyb galay madasha oo ay kamid ahaayeen wakiilo ka socday Agaasinka Caafimaadka ee gobolka Banaadir, Wasaaradda Caafimaadka, saraakiil caafimaad ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir, Isbitaallada dowladda ee Muqdisho, deeq-bixiyeyaasha taageera caafimaadka gobolka Banaadir, xubno ka socday ururada caafimaadka, aqoonyahanno, iyo qaar kamid ah bulshada isticmaasha adeegyada caafimaadka. Sidoo kale, waxa madasha marti ku ahaa Maxamed Caddow oo ah Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee gobolka Banaadir iyo Maxamed Jaamac ‘Baydhabo’ oo ah la taliyaha Wasaaradda Caafimaadka. Ilaa 50 qof ayaa kasoo qeyb galay madasha. Faalladani waxa ay falanqaynaysaa qaar kamid ah qodobbadii ugu muhiimsanaa ee madasha lagaga hadlay.

Taariikhda Daadejinta Caafimaadka Gobolka Banaadir

Kahor inta aysan burburin dowladdii dhexe sanadkii 1991, Wasaaradda Caafimaadka ee dowladdii militariga, si lamid ah adeegyada kale ee bulshada, ayaa kaligeed maamuleysay caafimaadka Soomaaliya. Burburkii dowladda kadib, waxaa soo baxay jilayaal cusub oo ay kamid yihiin maamul goboleedyo (sida Puntland), isbitaallo gaar loo leeyahay, hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah, iyo xarumo kale oo caafimaad, kuwaasoo aanay maamulin dowlad dhexe.

Intaa waxaa dheer, kadib markii la billaabay dhismaha dowlad goboleedyada sanadkii 2013, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waxay la wareegeen maamulka adeegyada bulshada. Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda federaalka ugu jirto dardar-gelinta baahinta adeegyada bulshada ee dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir – oo aan weli go’aan laga gaarin maqaamkiisa – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa ku wareejisay dowladda hoose ee Muqdisho adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka 7-dii Febraayo 2021. Talaabadan ayaa daba socotay daadajinta waxbarashada, oo 9-kii Ogosto 2020 lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Go’aanka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ay ugu wareejisay dowladda hoose caafimaadka aasaasiga ah ayaa waxa uu ka dhashay wadatashi u socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo ku aadanaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka bulshada ee gobolka Banaadir sida uu sheegay Agaasimaha Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir. Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in si hufnaanta iyo tayada adeegyada caafimaadka bulshada loo kordhiyo, ay lagama maarmaan tahay maamul-daadejinta. Go’aanka daadajinta waxaa loola jeeday in lagu fududeeyo isku-xerka heerarka kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir – heer gobolka, degmo, waax, iyo xarumaha caafimaadka – si go’aamada si sahlan loogu qaato loogana jawaabo xaaladaha degdegga ah si masuuliyadi ku jirto.

Doorka Wasaaradda Caafimaadka

Kahor inta aanay Wasaaradda Caafimaadka ku wareejin adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka Agaasinka Caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ay Wasaaraddu maamuleysay dhammaan qeybaha kala duwan ee caafimaadka Gobolka Banaadir, sida isbitaallada, xarumaha hooyada iyo dhallaanka, iyo dhammaan xarumaha kale ee caafimaadka dadweynaha. Intaa waxaa dheer, xarumahan caafimaadku waxay si toos ah Wasaaradda Caafimaadka ugu diri jireen warbixinnada iyo macluumaadka la xiriira caafimaadka.

Kadib baahintii adeegga caafimaadka, kaalinta Wasaaradda Caafimaadka waxa ay noqotay dejinta siyaasadaha caafimaadka iyo kormeer. Sida uu sheegay la-taliye ka tirsan Wasaaradda, kaalinta Wasaaradda waa dejinta istaraatiijiyado, siyaasado, xeerar, iyo baratakoollo loogu talagalay Agaasinka Caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir, halka Agaasinka Caafimaadka uu u xilsaaran yahay fulinta si ay u gaaraan daboolitaanka caafimaadka caalamiga ah oo ay hogaaminayso Wasaaradda Caafimaadka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay nidaamisaa dhammaan qeybaha caafimaadka, sida xakameynta dawooyinka dalka la keeno si loo hubiyo tayadooda iyo waxtarkooda. Sikastaba ha ahaatee, nidaamkaasi weli si fiican uma dhisna oo si sax ah uma shaqeeyo. Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka, sida uu sheegay mid kamid ah la-taliyayaasheeda, waxay kala tashataa Agaasinka Caafimaadka ee gobolka Banaadir go’aannada iyo siyaasadaha saameeya kahor inta aan la qaadin.

Qaar kamid ah ka qeyb galayaasha madasha caafimaadka lagu falanqeynayay ayaa ku dooday in Agaasinka Caafimaadka gobolka Banaadir aanu weli si buuxda ugu madax banaaneyn isbitaallada dowladda ee gobolka Banaadir ku yaalla, islamarkaana ay muuqato saameyn dhanka Wasaaradda Caafimaadka ah. Arrimaha keenay arrintani ayaa lala xiriirinayaa xiriirka awoodeed  ee aan caddeyn ee ka dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan weli si cad loogu kala saarin dastuurka kumeelgaarka ah.

Xaaladda Caafimaadka Bulshada ee Gobolka Banaadir

Gobolka Banaadir ayaa lagu tiriyaa inuu leeyahay isbitaallada ugu wanaagsan uguna qalabeysan Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, isbitaalladan ayaa u badan kuwo si gaar ah loo leeyahay, iyadoo dadka intiisa badan aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha saboolnimada jirta awgeed. Sida lagasoo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadamnimada ee OCHA, ku dhawaad 7 kamid ah 10-kii qofee Soomaali ah ayaa ku nool saboolnimo.

Sida uu sheegay agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Caddow, Agaasinka ayaa gacanta ku haya 69 xarun caafimaad oo ku yaalla gobolka Banaadir, kuwaasoo bixiya adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Intaa waxa dheer, xarumahan caafimaadku waxay warbixinno siiyaan Agaasinka iyagoo isticmaalaya nidaamka macluumaadka caafimaadka ee degmada 2 (DHIS2) oo ah nidaamka maaraynta macluumaadka caafimaadka ee ugu weyn adduunka, kaasoo in ka badan 73 wadan oo aduunka ah u isticmaalaan uruurinta iyo falanqeynta xogta caafimaadka.

Agaasinka caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir waxa kale ee uu maamulaa 6 xarun oo bixiya daryeelka bukaan-jiif ee caruurta nafaqo-darrada heyso iyo 11 xarun oo lagu daweeyo qaaxada (TB). Dhammaan xarumahan caafimaadka dadweynaha waxay warbixinno maalinle ah siiyaan Agaasinka, halka Agaasinku uu warbixinno bil kasta ah, kuwo saddex biloodle ah iyo kuwo lix biloodle ah u diro Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale, sida uu sheegay Maxamed Caddow, waxaa gobolka Banaadir ku yaalla oo dheeri ka ah xarunaha caafimaad ee dowladda ku dhawaad 80 xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo bixiya adeegyo caafimaad. Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin sidii xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay loogu biirin lahaa DHIS2, islamarkaana ay maalin walba warbixintooda uga heli lahaayeen si xogtooda loogu daro warbixinnada ay u diraan Wasaaradda Caafimaadka. Sidoo kale, agaasimaha ayaa intaa ku daray in hoggaanka caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo in la sameeyo qiimeyn la isku waafajinayo xarumaha caafimaadka oo ay ku jiraan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee gobolka Banaadir ka howlgala.

Inkastoo tirada uu agaasimuhu sheegay ay yihiin kuwo rajo iyo soo kabasho muujinaya, haddana ma joogaan heer ay dabooli karaan baahida malaayiinta shacabka ah ee ku nool gobolka Banaadir. Sidoo kale, magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha ugu liita dhanka ammaanka. Sidaas darteed, daryeel caafimaad dadweyne oo dheeraad ah ayaa aad loogu baahan yahay.

Guulaha

Isbeddel la taaban karo weli ma muuqdo sanad iyo bar kadib ku wareejintii adeegyada caafimaadka bulshada aasaasiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir. Sidoo kale, qaar kamid ah ka qeyb galayaasha madasha SPA ee baahinta adeegga caafimaadka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn adeegyada laga bixiyo inta badan xarumaha caafimaadka ee gobolka Banaadir, iyadoo qarashaadka ku baxa adeegyada caafimaadka ee xarumaha gaarka loo leeyahay uu yahay mid aad u badan oo dadweynaha qaar badan oo kamid ah aanay awoodaan.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, Agaasinka Caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu sameeyay guulo tan iyo markii ay lagu wareejiyay adeegyada caafimaadka bulshada ee aasaasiga ah sanadkii hore, sida uu sheegay Maxamed Caddow. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu sameeyay xarunta tallaalka Covid-19. Sidoo kale, afar xarun oo cusub ayaa laga dhisay Garasbaaley iyo Dayniile, halkaasoo ay ku nool yihiin dad badan oo barakacayaal ah oo aan inta badan awoodin inay helaan daryeel caafimaad.

Intaa waxaa dheer, bakhaar ayaa la dhisay, kaasoo lagu keydiyo saadka iyo daawada xarumaha caafimaadka dadweynaha. Dhinaca kale, xarunta howlaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha oo la socota xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka sida cudurrada faafa ayaa la qorsheynayaa in la sameeyo, sida uu sheegay agaasimaha caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir. Xaruntan ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo u diyaar garowga agaasinka caafimaadka haddii uu cudur ka dillaaco gobolka, waxaana baahida xaruntan la  dareemay kadib faafitaanka Covid-19 ee Muqdisho sanadkii 2020.

Caqabadaha

Markii ay qaadeen mas’uuliyadda caafimaadka dadweynaha ee magaalada ugu dadka badan Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu dusha saartay masuuliiyad weyn. Caafimaadka dadweynuhu waa tiir muhiim u ah adeegyadii bulshada ee dalka oo markii horeba gabaabsi ahaa. Waxaa jira isbitaallo aan badneyn ee dowladeed oo ku yaalla gobolka Banaadir gaar ahaan (iyo guud ahaan Soomaaliya) kuwaasoo leh awood iyo qalab ay ku qaabilaan bukaanno tiro badan maalin kasta.

Sidoo kale, gobolka waxaa kusoo barakacay dad badan, kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay in ay 40% ka yihiin 1.2-ka milyan ee barakaca ku ah gudaha Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, tiradan ayaa intaas ka badan karta marka la eego dadka cusub ee soo barakacay ee kasoo cararaya abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay sanadkan.

Ugu dambeyntii, waxaa jira shaki iyo kalsooni darro baahsan oo laga qabo xarumaha caafimaadka dadweynaha. Intii ay socotay madasha SPA ee lagu falanqeynayay maamul daadejinta caafimaadka ayaa qaar kamid ah ka qeyb galayaasha waxay ku doodeen in dad badan aysan aaminsaneyn xarumaha caafimaadka dowladda iyo adeegyadooda taas beddelkeedana dadkaasi ay aadaan isbitaallo gaar loo leeyahay. Waxaa intaa dheer, waxaa jira dad badan oo aan rumeysneyn cilmiga caafimaadka; beddelkeeda, waxay raadiyaan qaab diineed, dhaqameed, iyo mudaawaadka dhirta. Tani waxay keentay in la sameeyo xarumo “daaweyn diin” ah oo Muqdisho laga furay.

Xalka

Helitaanka iyo Awood-u-helidda: Si loo hormariyo caafimaadka gobolka Benaadir, loogana dhigo adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka bulshada kuwo la heli karo, laguna kalsoonaan karo, waa in Maamulka Gobolka Banaadir uu kordhiyaa tirada isbitaallada dowladda ee ka howlgala gobolka Banaadir. Kharashkooda waa in hoos loo dhigaa, iyadoo la tixgelinayo tirada dadka ku nool gobolka ee sii kordhaya iyo celceliska dakhliga soo gala inta badan dadka deggan Muqdisho.

Istaraatiiiyad Cusub: Agaasinka Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir waa in uu dejiyaa istaraatiijiyad cad oo lagu hagayo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka. Inta badan waxaa lagu eedeeyaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada – iyo Maamulka Gobolka Banaadir – ay ku guul-darreysteen inay horumariyaan siyaasado hagi kara hay’adaha caalamiga ah iyo mashaariicda ay fuliyaan. Tani waxaa ka dhashay in ururo dhowr ah ay fuliyaaan mashaariic caafimaad oo si liidata loo qaabeeyey iyadoo aanay jirin isku-dubarid wax-ku-ool ah iyo natiijooyin la taaban karo halka meelaha muhiimka ah ee u baahan taageerada la dayacay.

La xisaabtanka: Sameynta iyo hirgelinta isla xisaabtan dhab ah ee xarumaha caafimaadka dowladda iyo la xisaabtanka shaqaalaha ayaa muhiim u ah helitaanka kalsoonida dadweynaha iyo bixinta adeegyo tayo leh. Sidoo kale, hababka shaqaaleynta xirfadlayaasha caafimaadka ee xarumaha caafimaadka dowladda iyo isbitaallada waa in dib loo eego. Qaar kamid ah ka qeyb galayaasha ayaa cabasho ka muujiyay tayada adeegyada laga bixiyo xarumaha caafimaadka, halka qaar kalena ay su’aalo ka keeneen aqoonta iyo khibradda xirfadlayaasha caafimaadka ee ka shaqeeya xarumaha caafimaadka. Arrimahan ayaa ah qaar kamid ah sababaha keenay in bulshada qaar kalsooni darro ku qabaan xarumaha caafimaadka ee u baahan in wax laga qabto.

Shaqaalaysiinta Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dalka: Isbitaallada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo xarumaha caafimaadka waa in ay shaqo siiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah ee sanad walba kasoo qalin jebiya jaamacadaha dalka iyadoo loo shaqaaleynayo hab cadaalad ah. Marka laga reebo inay fursad shaqo u tahay howlwadeennadan cusub ee caafimaadka, waxay sidoo kale gacan ka geysan karaan horumarinta caafimaadka, oo ay ka jiraan caqabado badan, oo ay kamid tahay caqabadda luqadda ee ka dhalatay tirada sii kordheysa ee xirfadlayaasha caafimaadka ee ajaanibta ah. Inkastoo inta badan dhakhaatiirta ajaanibta ah ee ka yimid dalalka Turkiga, Suuriya, Masar, iyo Suudaan ee ka shaqeeya isbitaallada waaweyn ee Muqdisho ay leeyihiin turjubaanno, saxnaanta tarjumaadda iyo sida bukaanku u fahmayaan macluumaadka ayaa ah caqabad.

Maxamed Aadam waa isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda.

.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Recent Posts

Follow Us