U Isticmaalka Xogta Juqraafi-dhuleedka ee Qorsheynta Magaalooyinka Soomaaliya

Magaalooyinka Soomaaliya waxay wajahayaan koror degdeg ah, magaaleyntana waa arrin sii kordheysa oo caqabado badan wadata. Maadaama magaalooyinka dalka ugu muhiimsan ay ka jiraan fursado dhaqaale, amni iyo nolol wanaagsan, waxaa dalka ka dhacay dhowr isbedel oo dadkii degganaa miyiga ayaa magaalooyinkii u guuraya. Qiyaasta ugu macquulsan ee magaalooyinka dalka ayaa tilmaamaya in dadka miyiga deggan ay weli ka badan yihiin kuwa magaalooyinka ku nool. Sikastaba ha ahaatee, saadaasha heerka magaalaynta ayaa ah mid aad u sarreysa, waxaana laga yaabaa in in ka badan kala bar Soomaalida ay hadda ku nool yihiin magaalooyinka.

Hadda, waxaan wajahaynaa arrimo kala duwan oo adag oo ay kamid yihiin:

  • La’aanta ama duugowga kaabayaasha
  • Maqnaanshaha qorsheyn habboon ee magaalooyinka
  • Guriyeynta oo aan ku filnayn iyo goobo isku raran ah
  • Saboolnimada ka jirta xaafadaha isku raranta ah iyo kuwa ay ku nool yihiin barakacayaasha, iyo
  • Sinnaan la’aan iyo shaqo la’aan.

Maqnaanshaha qorshayaal magaalo oo habboon dartood, xaafadaha cusub waxaa ka maqan kaabayaasha lagama maarmaanka ah. Sidoo kale, murannada dhulku waxay keenayaan caqabad kale oo weyn oo soo cusboonaysiin karta rabshado khatarna gelin kara xasilloonida iyo nabadda. Marka lagasoo tago qaab-dhismeedka dhulka iyo qaab-dhismeedka magaalada, kala-soocnida beelaha ma aha wax ku cusub magaalooyin badan oo Soomaaliyeed. “Khadka Cagaaran ee Muqdisho” wakhtigii ugu darneyd ee dagaalladii sokeeye ayaa tusaale cad u ah sida colaaduhu ay taariikh ahaan u qaabeeyeen qaab-magaaleedka iyo u deganaanshaha beelaha ee magaalada. Magaalada Gaalkacyo ee kala qeybsan ayaa iyaduna ah tusaale kale oo nool oo muujinaya kala qeybsanaanta magaalooyinka Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, amniga magaalooyinka waa qeyb kamid ah qaabeynta magaalooyinka, gaar ahaan Muqdisho. Maamullada magaalooyinka Soomaalida, si la mid ah magaalooyinka kale ee caalamka, ayaa dhawaan sameeyay tallaabooyin amni oo kala duwan si ay ula tacaalaan weerarrada amni darro ee soo noqnoqda. Ammaanka oo loo sugo qaab kala duwan sida bar-koontoroollo, jidadka oo la xero iyo dhufeysyo, ayaa saameyn ku yeesha dadka deegaanka iyo ammaanka guud ee magaalooyinka. Waddooyinka magaalada Muqdisho ee ee amnigooda aadka loo sugo ayaa lagu cabiri karaa maahmaahda Soomaaliyeed ee dheheysa “Luuq-luuq maroow laasin laamigaas imaaaha,” oo si kale haddii loo dhigo la micno ah “Waddada yar waxay ku geyn doontaa waddo weyn”.

Marka la eego arrimaha badan ee cakiran ee maanta ina horyaalla iyo muhiimada ay magaaleyntu u leedahay horumarka, waxa loo baahan yahay in la sameeyo habab qorshaysan oo ku haboon xaaladda deegaanka. Marka laga reebo dhawr meelood, inta badan horumarka magaalooyinku waa kuwo aan la qorsheyn. Muqdisho, tusaale ahaan, waxa ay lahayd qorshe magaalo xilligii gumeysiga, laakiin kobaca magaalada ee xawliga ku socday ee sannadihii xigay awgeed, qorshayaashaas waa la ilaaway.

Sikastaba ha ahaatee, maqnaanshaha qorshayaasha howlgelinta ee magaalada macnaheedu ma aha in magaalooyinkeenna aan loo qaabeyn qaabab iyo habab kala duwan. Dhaqdhaqaaqyada udub dhexaadka u ah kobaca iyo ballaarinta aan la qorsheyn ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya waxaa kamid ah dejinta dadka gudaha ku barakacay, sugidda amniga, dhul boobka, iyo raadadka kale ee dagaallada sokeeye iyo colaadaha daba dheeraaday ee meelaha qaarkood. Horumarka hadda ka jira magaalooyinka iyo hababka maamulka ayaa khalkhal ku abuura deegaannada aan rasmiga ahayn taasoo sii dheerayn karta dhibaatooyinka barakacayaasha uganasii dari karta caqabadaha amniga.

Soomaaliya waxay u baahan tahay xogta juqraafiga ah ee qorsheynta magaalooyinka ee rasmiga ah, taasoo ah albaabka horumarka magaalooyinka ee waara. Iyadoo aan la ogeyn xaaladda ay ku sugan yihiin magaalooyinka iyo qaabka loo degi karo dhulka iyo waqtiga ay qaadaneyso, hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya ma hagi karaan xaaladaha magaalooyinka.

Ilo Kale ee Xogta Juqraafi-dhuleedka

Waxaa sare u kacay wacyiga ku saabsan sida ay lagama maarmaanka u tahay xog-ururinta si loo fahmo xalna loogu helo arrimaha cakiran ee magaalooyinka dalka. Sikastaba ha ahaatee, waxaan inta badan ku maqlaa wada hadallada in aan isticmaali karno Khariidadaha Google-ka iyo aaladaha kale si aan u xalino dhibaatooyinkeenna. Inkastoo Google uu wax ka beddelay habka aan u isticmaalno khariidadaha iyo xogta goobta, farqiga u dhexeeya xogta laga heli karo adduunka waa mid aad u ballaaran. Waddamada sida Soomaaliya oo kale ah waxay leeyihiin oo keliya sifooyinka ugu yar ee la heli karo sida waddooyinka, raadadka dhismaha oo aan dhammaystirnayn, iyo agabyo kale.

Kadib 30 sano oo dagaal daba dheeraaday, xogta juqraafi-dhuleedka ee Soomaaliya waa gabaabsi, ma dhammaystirna, ama dib looma cusbooneysiin. Xog tirakoob oo laga sameyn karo falanqeyn magaalooyinka ah ma jirto; waxa kale oo jira ilo xogo kale oo aad u kooban. Xogta yar ee la hayo ayaa inta badan laga heli karaa hay’adaha caalamiga ah ama hay’adaha dowladda.

Sikastaba ha ahaatee, ilo kale oo laga heli karo xogta juqraafi-dhuleedka ayaa bar bilow fiican u noqon kara qorsheynta iyo in magaalooyinka mustaqbalka ee u noqdaan kuwo caafimaad qaba oo waara. Waxaa jira xog lacag la’aan ah oo laga helay dayax gacmeedyada taasoo sahlaysa in magaalooyinka Soomaaliya laga helo fahan iyo in la sameeyo hab xog ku saleysan oo lagu hagayo laguna wajaho arrimaha cakiran ee magaalooyinka.

Muuqaal hawada ah ee dhismayaal cusub oo ku teedsan wadada Afgooye ee Muqdisho – 2021

Ma aha oo keliya inaan heli karno xogta indha-indheynta dhulka, laakiin teknoolajiyadda baahsan, oo ay ku jiraan cloud iyo sirdoonka macmalka ah, waxay ka caawin karaan magaalooyinku inay buuxiyaan meelaha bannaan oo ay u abuuraan meel kale oo laga billaabo abuurista xogta juqraafiyeed ee magaalooyinka. Hadda, waxaan qiyaasnay xogta dadweynaha, raadadka dhismaha ee tooska ah, iyo hababka digniinta ee masiibooyinka iyadoo loo marayo sirdoonka macmalka, barashada mashiinka, iyo xogta indha-indheynta dhulka si looga caawiyo magaalooyinka inay dejiyaan qorshooyin ku habboon magaalooyinka.

Hab kale oo si fiican uga shaqeeyay wadamada aan horumarin waa crowdsourcing. OpenStreetMap waa madal u oggolaanaysa isticmaaleyaasha inay wax ka beddelaan, abuuraan oo beddelaan sifada khariidada. Xogta OpenStreetMap gabi ahaanba waa bilaash oo waxaa isticmaali kara qof kasta wuxuuna noqon karaa fursad lagu buuxiyo farqiga xogta juqraafiga ee magaalooyinka.

Mustaqbalka

Magaalooyinka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa koror dadka ku nool oo aad u weyn sidaas darteedna waxay u baahan yihiin hab cusub oo wax looga qabto maamulka magaalooyinka iyo caqabadaha horumarka. Si loo diyaariyo hab sax ah oo qorshaynta magaalada, waxaan u baahannahay inaan abuurno ilo xogeed. Dowladaha hoose iyo masuuliyiinta qorsheynta magaalooyinka waa in ay isticmaalaan tignoolajiyadda juqraafi-dhuleedka oo ay ku tababaraan howlwadeennadooda falanqaynta xogta juqraafi-dhuleedka. Xogta tirakoobka, tusaale ahaan, waa mashruuc aad u ballaaran oo lacago badan u baahan. Xalka beddelka ah waxaa kamid ah isticmaalka xogta indha-indheynta dhulka iyo sirdoonka macmalka ah si loo fahmo qaababka dhulka, qiyaasidda dadka iyadoo lagu saleynayo raadadka magaalooyinka, si wax ku ool ah loo maareeyo xaafadaha isku raranta ah iyo in la helo hab xog ku saleysan oo lagu wajaho arrimaha cakiran ee magaalooyinka.


Cabdishakuur Xasan waa Somali Public Agenda fellow ee qorsheynta magaalooyinka iyo nashqadeynta adeegyada dadweynaha.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *