E38. Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?

Qeybtan 38-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Mukhtar Ibrahim oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo sidoo kale si gaar ah u hoggaaminayay dadaallo lagu raadinayay xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee Hirshabelle waxa ay ku falanqeynayaan fursadaha jira iyo siyaabaha looga heshiin karo arrimaha la isku hayo.

E19. Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo.

E35. Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka 

Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka ee uu khilaafka ka jiro. Waxaa marti ku ah Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

E18. Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

Qeybtan 18-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan qabashada tartanka ciyaaraha, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.

E17. Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka.

E34. Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland 

Qeybtan 34-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya.

Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha  

Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.