Lafo-gurka Buugga Chaos, Courage, and Change in Somalia
Halkan ka daawo madal lafo-gurayey buugga Chaos, Courage, and Change in Somalia ee uu qoray Agaasimaha Somali Public Agenda,...
Somali Public Agenda
April 6, 2022

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.
Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.
Halkan ka daawo madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Halkan ka daawo madal lafo-gurayey buugga Chaos, Courage, and Change in Somalia ee uu qoray Agaasimaha Somali Public Agenda,...
Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee...
Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si...
Halkan ka daawo madal lafo-gurayey buugga Chaos, Courage, and Change in Somalia ee uu qoray Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Wasuge. Madashan waxaa ka hadlay qaar ka mid ah akhristayaasha buugga oo isugu jirey saaxiibbadii ay isla soo waxbarteen Mahad Waasuge iyo asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen qaar ka mid ah. Waxay dul istaageen dhacdooyinka ku qoran buugga iyo casharrada laga baran karo, iyaga oo ku taliyey akhriska buuggan.
Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee sannadkan 2026-ka, waxaa la filayaa roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad xad-dhaaf ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Create attractive tabs according to your need with the post tab v2 design template.
Somali Public Agenda (SPA) is a non-profit, non-partisan, and independent public policy and administration research and action organization based in Mogadishu. It aims to advance understanding and improvement of public policy and services in Somalia through evidence-based research and analysis, dialogue, policy and service design, and training.
Stay updated on governance and public services in Somalia!